Muqdisho (WDN)- Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa goob fagaare ah deegaanka Buulaay ee gobolka Bay; ku toogtey 7 ruux ay ku sheegeen in ay u basaasayeen Maamulka Koonfur Galbeed iyo laamaha sirdoonka shisheeye ay gacan saarka leeyihiin.
Dadweyne tiro badan ayey isugu keeneen fagaaraha toogashadu ka dhacaysay. Taasi oo lagu cabsi gelinayo bulshada maamulkaas oo maalmahaan si is daba joog ah ula kulmayo weeraro qorsheysan oo xoog leh oo maleeshiyaadka kooxda ku qaadayaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Dadka maanta kooxdu toogatey iyo eedda loo diley ayaa lagu sheegay sidan:
1. Mayow Maxamed Yarow oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsan tahay ciidamada Koonfur Galbeed ee ka Shaqeeynayay degmada Diinsoor, oo dhowr jeer la dagaalamay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
2. Towfiiq Jinow Aadan waxaa lagu eedeeyey in uu la shaqaynayay Sirdoonka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
3. Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim waxaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu la shaqeeynayay Sirdoonka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.
4. Colaad Cabdiraxmaan Maxamed ayaa isna waxey Al shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeeynayay sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay sarkaal katirsan Al-Shabaab.
5. Cali Maxamed Madoowe ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar maamulka Koonfur Galbeed ay ku dileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.
6. Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeeynayay maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay.
7. Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la shaqeeynayay sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino ku saabsan xogta saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply