Alshabaab oo Bilowday Beegsiga Mas’uuliyiinta Garsoorka Dawladda Soomaaliya

Alshabaab oo Bilowday Beegsiga Mas’uuliyiinta Garsoorka Dawladda Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Qarax jugtiisa qeybo badan oo xaafadaha Muqdisho laga maqlay, ayaa lala beegsadey gaari uu watey mas’uul ka tirsan hay’addaha Garsoorka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho isaga oo marayey meel u dhaw kontoroolka laga galo madaxtooyada gaar ahaan agagaarka Sayidka.

Masuulka la beegsaday ayaa lagu magacaabaa Musharaf Maxamed Macalin, oo ah xoghaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, wararka WardheerNe soo gaadhaya ayaa sheegaya in masuulka la beegsadey uu soo gaarey dhaawac halis ah loona qaaday mid ka mid ah cusbitaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa goobta isku geedaamay, waxa ayna bilaabeen baaritaano ku aadan qaraxa, ma jirto faahfaahino kale oo dheeraad ah oo qaraxan ku saabsan.

Dhawaan ayey ahayd markii hay’adda nabad sugida qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ay soo saareen amaro xoogan oo ku aadin in aan loo garsoor doonan karin xarakada Alshabaab, ciddii lagu helana tallaabooyin adag laga qaadi doona,waxaana hay’adda nabad sugidda dhawaan xirtey dad la sheegay in xiriiro la sameeyeen kooxdaas.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.