Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ALQEERROO IYO ALSHABAAB MAXAY WADAAGAAN AMA ISU YIHIIN?

W/Q Axmed Khaliif

Qeerroo waa Al shabaab, Al shabaab-na waa Qeerroo; waa isku hal – Dameer iyo labadiisa daan.

Magaca Qeerroo  (Al Qeerroo) ee loo yaqaan maliishiyada Oromada ah ee xasuuqa waxashnimada ah ku haysa Somaalida Itoobiya gaar ahaan deegaanada Tuli-Guuleed, Dirir-Dhabo, Baabille, Mooyaale, Walgo, Balbayti iyo kuwo kale oo badan.

Waxaan maqaalkan kaga faalloon doonaa waxa ka dhaxeeya Qeerroo iyo Alshabaab  iyo sida ay isku mid u yihiin.

Al Qeerroo iyo Al Shabaab

Ereyga  ‘Al Qeerroo’ ayaa afka Oromada macnihiisu ku yahay ‘ barbaarta ’: dhalinyarada ragga ah oo aan wali guursan oo reer yeelan. Sidaa oo kale ayaa ereyga ‘Alshabaab’ isna wuxuu afka Carabiga macnihiisu ku yahay ‘barbaarta’: dhalinyarada ragga ah oo aan wali guursan.

Haddaba in magacyada labadaan urur ay isku macne ku salaysan yihiin, shaqadooduna isku mid tahay, ma wax iska dhacay baa, mise waa ku talo gal?

Marka la eego falalka ay geysanayaan iyo sida ay u samaynayaan, waxaa laga garan karaa in ay isku mid yihiin, Qeerroo iyo Alshabaab, shaqadoodu waxay ku soo ururraysaa ama tahay:

1 ) In ay Soomaalida dhulkeeda ka dabar gooyaan; dhulkaas oo ku kula fidsan Soomaaliya, Itoobiya , iyo Keenya.

2 ) Waxay adeegsadaan qaab dagaaleed isku mid ah, waxashnimo ah, oo ay ka muuqato cadaawad fog, oo qofka nool iyo maydka kan dhintey la googaynayo. Qaabkaas oo aan aheyn qaab-dagaaleed ay Soomaalidu dhaqan u leedahay.

Dowladda Dhexe ee Itoobiya iyo ciidamadeeda nabadgalyada ayaan iyagu marna isku deyin in ay ka hortagaan qorshaha Qeerroo, oo ay wax ka qabtaan, ama ay badbaadiyaan shacabka sinji-Soomaali Itoobiyaanka ah ee xasuuqa lagula kaco Itoobiya gudaheeda.

Waxaa jira eedaymo isa soo taraya oo sheegaya in ciidamada itoobiya ay iyagu gacan iyo hub ku siiyaan Qeerroo, sidii ay u dabargoyn lahayd shacbiga Soomaaliyeed ee reer Itoobiya.

Sidoo kale Alshabaab ayaa iyaguna xasuuqaas waxashnimada ah ka wadey gudaha Soomaaliya illaa sanadkii 2007dii, iyagoo ku marmarsiyoonaya in ay la dagaalamayaan codow shisheeye ah oo Soomaaliya ku soo duulley.

Kadib markii sanadkii 2007-dii ciidamada Itoobiya soo galeen magaalo madaxda Soomaaliya ee Mogadisho,  waxaa soo ifbaxay ururka argagisada ah ee la magac baxay Alshabaab. Ururkaas oo ay magaciisa ka muuqato in loo ekaysiinayo macagyada ‘Al’ ka bilaamaya ee Mareykanka uga jira liiska argagaxisada, sida Alqaida, Alitihad, iwm ayaa ku andacoonayey inuu yahay urur dhalinyaro wadaniyiin Soomaali ah oo ka xoreynaya ciidamada Itoobiya ee dalkooda ku soo duuley.

Waxa is waydiin muddan maxaa mar qura badaley magacbixintii ururrada Soomaalida, oo horey u ahaa jirey Soomaali ama ingiriis (USC, SNM, SSDF, USB, SNA, etc.) oo markaan ka dhigey carabi ‘al’, markii Mareykanka iyo xulafadiisu[itoobiya] ay magacyada ‘Al’ ka bilaama il gaar ah ku fiirinayeen? Madaxa in laga shaqaysiiyo ayey u baahan tahay!

Waxaa xaqiiqo ah in ciidamadii Itoobiya ee Mogadishu soo galey ay lug ku la haayeen samaynta ururka argagaxisada ah ee Alshabaab, balse su’aalaha muddan in laga jawaabo waxay yihiin: ciidamada itoobiya ma iyagaa Alshabaab samaystey mise Alshabaab waxa loo sameeyey inay ciidamada itoobiya la dagaallamaan?

Haddii loo sameeyey inay ciidamada Itoobiya la dagaallamaan yaa samaystey? Maxay ciidamada itoobiya ula dagaalami waayeen? Haddii aysan ciidamada itoobiya ku aadin oo la dagaallami karin maxay u xasuuqayaan shacabka Soomaalida ah, ee aan hubaysnayn oo ay ku andacoonayeen in ay cadow ka difaacayaan? Xitaa haddii ay diiddan yihiin dowladda Soomaaliya ka jirta am aka jira, ma u noqon kartaa qiil in ay xasuuqaan shacab, dumar iyo caruur, aan waxba galabsan? Maxay doonayaan? Haddii la isu dhiibo maxay samayn lahaayeen?

Jawaabaha su’aalahaan qofkasta way u furan yihiin.

Alshabaab ayaa u jeedadeeda dhabta ahi waxay tahay in qofkasta oo Soomaali ah dhulka Soomaalida uga baxo dhimasho ama nolol dead or alive’. Waxaan qabaa in Alshabaab ay tahay oo kaliya yeydii la sheegey ee idaha u soo xidhatey maqaarkooda si aysan uga didin – the wolf in the sheep’s skin. Alshabaab waa dad Soomaali u eg, Afka Soomaalida bartey, sheeganaya inay Soomaali yihiin, laakiin aan Soomaali ahayn. Waa jiraan, lamana inkiri karo, dad yar oo Soomaali ah oo faro-ku-tiris ah oo ‘ha la roorrada run moodey’.

Waxaa jira shaki baahsan oo ay Soomalidu ka qabto ciidamada itoobiya oo markii ay rabaan soo gala markii ay rabaanna ka baxa Soomaaliya in ay Alshabaab soo gaarsiiyaan saad ciidan: hub iyo raashin. In badan ayaa la sheegay in ciidamada itoobiya iyo Alshabaab isu baneeyeen fariisimada oo meeshii mid ka baxo kan kale soo galo, taas oo looga shakisan yahay in ciidamada itoobiya ay saadka (hubka, rasaasta, cuntada iyo daawada) u sii dhigaan Alshabaab fariisimada ay ka guurayaan kuwaas oo markiiba Alshabaab la wareegto.

Lama hayo wax war xaqiiqo dhab ah oo ku saabsan dagaallo dhexmarey Alshabaab iyo ciidamada cadowga ay sheegeen in uu  Soomaaliya ku soo duuley oo ay ka difaacayaan, siiba kuwa ka socda waddamada Itoobiya iyo Keenya ee cadaawadda taariikhiga ah kala dhexayso Soomaaliya. Marmar badan ayaa idaacadaha laga sheegaa in diyaaradaha Mareykanku ay duqaymo dhimasho iyo dhaawac keenay u gaysteen Alshabaab balse Soomaalida ma soo gaaraan xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha loo gaystey Alshabaab iyo kan iyagu ugaystaan ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku habsadey, halka xasuuqa waxashnimada ah ee Alshabaab ku hayaan soomaalida uusan cidna ka qarsoomi karin.

Qof kasta oo caqli leh waa garan karaa in Alshabaab aysan dan Soomaaliyeed ka shaqaynayn. Balse waxaa cad in ay macag iyo muuq ahaanba soomaalida u baabi’inayaan.

IILKA KII DHIGEY U ERGOOTOOY (Looking to the culprits for help): 

Waxaa la yaab leh in maanta Soomaalida, dowlad iyo shacabba, loogu warramo ayna run u qaateen in ujeedada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga ay tahay in ay shacabka Soomaaliya ka badbaadiyaan gumaadka Alshabaab ku hayo, halka ay shacabka Itoobiyaanka ah ee asal ahaan Soomaalida ka soo jeeda, ay Qeerroo hortooda ku xasuuqayso oo ay waliba gacan ku siinayaan.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysay: “Nin hooyadii ka guurey aayo-dii uma negaado”. Ciidamada Itoobiya ee shacabka  Soomaali-Itoobiyaan-ka ah (Itoobiyaan asal ahaan Soomaali ka soo jeeda) ka badbaadin waydey Qeerroo “Alshabaab”, ayaa shacabka Soomaaliya ka badbaadinaysa Alshabaab “Qeerroo” waa arrin runta aad uga fog.

Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga waxay caawiyaan  Alshabaab in ka badan inta ay Qeerroo caawiyaan.

XEEL DAGAAL OO DA’A WAYN:

“Ciidanka cadowga oo la jabiyo iyadoo aan lala dagaalamin waa xeeladda dagaal ee ugu sareysa.”
Waxaa sidaas yiri, in ka badan 2500 oo sano ka hor, jeneraalkii ku xeesha dheeraa dagaalka ee China,  Sun Tzu.

Argagixisada Alshabaab iyaga oo ka duulaya xeeladaas dagaal ee da’da wayn, ayey waxay is ka dhigaan inay isa soo dhiibeen, dabadeedna waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhaadhiciyaan in iyaga loo dhiibo hay’adaha muhiimka u ah nabadgalyada iyo la dagaallanka argagixisada: sida nabadsugidda, ciidamada, booliiska “CID” iwm.

Tusaale ahaan, hay’adda sirdoonka ee loo yaqaan Nabadsugidda Qaranka “National Intelligence Service” oo ah indhihii, dhegihii, caqligii dowladda markasta waa in taliyaha ama taliye-kuxigeenku noqdaa shaqsi Alshabaab ah [aan jirey], oo u ka mid yahay Sakariye Ismaciil, iyo Taliye-ku-Xigeenka dhowaan loo magacaabey  Fahad Yassin oo lagu eedeeyeo in uu gacan saar la leeyahay kooxaha xagjirka ah.

Mar haddii  (Alshabaab) ay taladii ciidanka Soomaaliya, khaastan ha’adda sirdoonka, kula wareegi karaan dagaal la’aan haddii ay isa soo dhiibaan – sidii uu Su Tzu sheegey – maxay u la dagaalamayaan? Sidee se  dowlad indhiha, dhegaha, iyo cagnaha laga haysto cadow isaga celin kartaa?

Sidaas oo ay tahay Alshabaab ma joojin doonto xasuuqa shacabka Soomaalida xitaa haddii ay is dhiibaan; ujeedadoodu ma aha xukun oo kaliya, balsd waxay doonayaan in ay Soomaalida ka dhigaan in dhimatey iyo in carartey oo dalal shisheeye qaxooti ku ah. Waayo Alshabaab dad ma doonayaan ee dal/dhul bay doonayaan.

NIN AAN HADLIN HOOYADIINA WAX UMA DHIIBTO: 

Marka la eego xaalladda siyaasadeed ee aduunka maanta iyo gaar ahaan tan Geeska Afrika waxaad muuqata in Soomaalidu  aysan dhumin maqaamkii dowladnimo ee Soomaaliya ay duunka ku lahayd oo kaliya  balse ay sidoo kale dhumisey maqaamkii qowmiyadeed ee ay ku lahayd Geeska Afrika.

Dowlad la’aanta iyo kala qaybsanaanta  – mid loo haystey iyo mid ay iyagu isu gaysteenba – ayaa waxay keentey in maanta nafta qofka Soomaaliga ah ay ka qiimo liidato nafta Eyga. Waxaa hubaal ah in  haddii Eyda loo layn lahaa sida Soomaalida maanta loo laayo, ay ugu yaraan qolooyinka xuquuqda xayawaanka u doodda (humane society) u hadli lahaayeen. Nasiibdarro, Soomaalida cidna ma oga.

Mar haddii dowladdahii ay ku hoos noolaayeen (Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya) ay gabeen inay ka difaacaan, xitaa inay ka hadlaan, Qeerroo/Alshabaab; mar haddii aduunwaynihii ( Qaramadda Midoobey oo ay Soomaalidu ka aaminsaneyd inay ugu dambeynta badbaadin doonto) ka aamustey in ay dhaleeceyso xasuuqa lagu hayo shacabka aan hubeysnayn ee Soomaalida ah, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon in aysan gacmaha laaban ee ay is difaacaan, iyo in aysan iska aamusin ee ay aduunka codkooda si dheer u gaarsiiyaan, meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Nin asaaggii (qeyrkii) loo xiirayoow adiguna soo qooyso”.
Dhibta maanta ku dhacdey qof-ka Soomaaliga ah meelkasta ha joogee, waxay berri ku dhici kartaa qofkasta oo Soomaali ah meelkastoo uu joogo.

Soomaali waxay ku badbaadi kartaa oo kaliya in ay isu tagaan, isku tashtaan, Allah talo saartaan oo iska difaacaan Al Qeerroo iyo Al shabaab ee aaney cidkale badbaado ka sugun: God helps those who help themselves.

Ogow Al Qeerroo iyo Al shabaab dad ma doonayaan ee dal bay doonayaan. Guul, insha’ Allah.

Axmed Khailif
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.