Al Shabaab oo weeraray saldhig ay ciidanka dowlada Ku lahayeen Bariire

Al Shabaab oo weeraray saldhig ay ciidanka dowlada Ku lahayeen Bariire

Muqdisho (WDN)- Weerarkan ayaa  dhacay waaberigii hore ee saaka waxa  uuna  socday muddo waxaana dadka ku sugan deegaanada ku dhow dhow Bariire ay sheegayaan in qaraxyo waaweyn ay maqleen dagaal xoog lehna kadib uu xigey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee ku saabsan dagaalka Bariire oo ah deegaan muhiim u ah labada dhinac ee ku dagaalamaya.

Wararka aan ka heleyno Bariire waxa ay sheegayaan inta la hubo dagaalka saakay in ay ku dhinteen 5 Askari oo dadka deegaanka ay shegeen iyo dhaawaca 3 ruux oo Shacab ahaa kuwaasi oo ku dhawa halka uu, weerarka ka dhacay.

Hase yeeshee warbaahinta Al Shabaab taageera ayaa sheegaya in ay la wareegeen saldhigga ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Bariire ayna halkaa ku qabsadeen gaadiid dagaal oo gaadahya 15.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 17 askari oo ciidamada xoogga dalka,ah  iyaga oo qaatay hub iyo saanad kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar ku qaadaan xeryaha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxsan caasimadda, waa weerarkii 3aad muddo sadex todobaad ah.

Ciidama ka tirsan kuwa Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay halkaasi shalay isaga baxeen.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.