Ciidamo ka tirsan xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay degganaayeen ciimadamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Amisom, ku leeyihiin degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose. Weerarka ayaa Al shabaab u adeegsadeen qarxayo waaweyan.
Si aan u xaqiijino waxay wardheernews xiriir la sameeysay goob jooge ka ag dhawaa goobta uu dagaalka ka dhacay, isagoo markaasi sheegay in qarxayada loo adeegsaday gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey. Kaasi oo lagu weeraray Saldhigyadaa ciidamada Amison .
Qarxayaada kadiba waxaa xigay dagaal culus oo dhex maray ciidamada Amison iyo Alshabaab.
Ilaa iyo hada macada qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.
Al shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro kala duwan ay ku qaadaan saldhigyada ay ciidamada nabad ilaalinta ujooga Somaaliya ay ku leeyihiin deegaanada konfurta dalka .
Balse weerarkaan ay Al Shabaab ku qaadeen maanta saldhiga ay ciidamada Uganda ayaa si weyn uga duwanaa weeraradii hore ee lagu qaadi jiray fariisimaha Amison .
Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews, Kismaayo
