Muqdishsu (WDN) – Weerar ay sheegteen mas’uuliyaddeeda maleeshiyadka Al Shabaab oo saaka lagu qaaday Hoteelka Saxafi oo ka mid ah hoteelada ugu caansan caasimada Muqdishu ee Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 15 ruux.

Dadka ku geeriyooday weerarkaasi, ayaa waxa mid ah xildhibaano, saraakiil ciidan, shacab iyo saxafiyiin.
Weerarka waxa uu ku bilowday qarax xooggan iyo tacshiirad xigtay, waxaana weheliyay rasaas xooggan oo ay is weedaarsadeen ilaalidii ku sugnaa hoteelka iyo dableydii weerarka ku qaaday hoteelkaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhowr xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale laga soo saaray hoteelka oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Suuri iyo xildhibaan Sandheere iyo kuwa kale.
Dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa waxa ka mid ah Alle naxariist Janno haka waraabiyee Maxamed Cabdi Abtidoon, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cadibkariin Yuusuf Aadan [Dhegobadan], Cabdirashiid Shire (Ilqabte) oo lahaa hoteelka Saxafi, wariye Mustaf Safaana oo u shaqeynayay Idaacadda Shabedlle. Qaraxa labaad waxaa ku dhaawacmay Faysal Cumar Xasan oo ka mid ahaa sawirqaadayaasha Reuters.
Ciidamada ammaanka ayaa ka hor intii aysan sugin ammaanka hoteelka, ay muddo aha gudaha iskula jiraan tiro ka mid ah dableydii hoteelka hubeysneyd oo ay rasaas is dhaafsanayaan.
Hotel Saxafi ayaa ku yaall Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee degmada Hodan. Hoteelkan ayaa waxaa deggan mas’uuliyiinta dowladda, sida xildhibaanada, saraakiisha, siyaasiyiin iyo dadka dibadaha ka yimaada. Hotel Saxafi ayaa ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo oo ka soo hor-jeeda Xarunta Dambi baarista ee CID.
Wixii kusoo kordha fadlan kala soco wararka danbe ee wardheerNews
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews , Muqdisho
