AGA OO MAALINTA AFKA HOOYO KU XUSTAY UK

London – Iyadoo caalamka oo dhan laga xusayey maalinta afka hooyo oo ku beegneyd 21ka Febraayo ayaa Akademiye Goboleedka Afsoomaaliga AGA laanteeda UK sannadkan ku qabatay magaalada Birmingham ee dalka Briteyn xaflad aad loo soo abaabulay oo ay ka soo qeybgaleen madax ka socota dalkan Briteyn, masuuliyiin xilal hore ka soo qabtay Soomaaliya iyo dadweyne isugu jira rag iyo dumar.

Af Soomaali_xaflad
Maalinta afka Hooyo, Birmingham

Waxaa halkaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Mudane Aaden Maxamed Cali oo ka hadlay hawlihii laga soo maray qoriddii iyo hirgelintii far soomaaliga iyo waxa hadda dadka la gudboon. Muxidiin Xasan Cali “Darbaweyne” oo ahaa masuul sare oo ka tirsanaa xiriirka kubbadda cagta ee Soomaaliya iyo heer caalamiba, dhawaanna qoray soona bandhigay buug. Maryan Soomaaliweyn ayaa hooyooyinka kula dardaarantay in ay dhowraan baraanna ubadka afka hooyo.

Waxaa iyagana halkaa ka hadlay Councillor John Hunt oo ah madaxa xisbiga Lib-Dem ee Birmingham wakiilna ka ahaa duqa magaalada iyo Philip Bennion oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, waxay ugu hambalyeeyeen bulshada soomaaliyeed sidey ugu dadaalayaan dhowridda afkooda iyo dhaqankooda, waxaa isna halkaa ka hadlay wakiil ka socday booliska magaalada.

Afka Soomliya
Maalinta afka Hooyo, Birmingham

Hadallo aad u qiima badan ayaa waxaa halkaa ka soo jeediyey aqoonyahannada Saciid Jaamac, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Prof Cabdulqaadir Ruumi, Prof. Waasuge oo ka wada tirsan AGA, waxay ka hadlay sooyaalkii soomaalida iyo afka hooyo heerarkii uu soo maray, halka uu maanta taaganyahay, halisaha jirta iyo sida looga gudbi karo iyo weliba xiriirka ha dhaxeeya afka iyo summadda ummadnimo.

Saynab Daahir ayaa ka hadashay xiriirka afka iyo jiilka soo koraya iyo kaalinta waalidiinta uga aaddan arrintaa. Cabdiraxmaan Abtidoon isna wuxuu ka hadlay AGA sidii loo aasaasay, heerarkii ay soo martay iyo halka ay hiigsaneyso.

Barnaamijka waxaa si heer sare ah u daadihinayey wariye Aamina Muuse Wehliye. Sharikadaha wax daabaca ee Looh Press iyo Xildhiban Publications ayaa waxay soo bandhigeen buugaag fara badan oo noocya kala duwan isugu jira, iyagoo Maxamed Cartan iyo qoraa Cabdicasiis Xildhibaan ay dadka u sharraxayeen buugta ilaa iyo hadda qoran iyo waxa ay kala yihiin. Abwaanad Shukri Maxamed Shukri Maxamed ayaa halkaa ka soo jeedisay suugaan qiima badan oo ku saabsan munaasabadda Afka hooyo.

Akademiyad Goboleedka Af soomaaliga laanta UK