Addis Ababa, Wafi uu hoggaminayo afhayeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya(ONLF), Md. Caddaani Hiirmooge ayaa lagu soo warramayaa in ay gaadheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Waftiga ONLF ayaa lagu wadaa in ay wadahadallo looga arrinsanayo aayaha dhulka Soomaaliyeed ee xukunka Itoobiya ku hoos jira la yeeshaan dawladda Itoobiya.
Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan ka saartay liiska argagixisada oo ay ONLF hore ugu dartay iyadoo ay Jabhadda ONLF iyaduna maalintii shalay ku dhawaaqday xabbad joojin dhankeeda ah.
Ururka ONLF oo dagaal ay doonayaan in ay aayahooda kaga tashadaan kula jiray dawladda Itoobiya ayuu maamulkii Cabdi Ilay wiiqay awooddoodii ciidan iyo taageeradii ay ka heli jireen qurbajoogta iyadoo sanadihii u dambeeyayna uu ahaa uun mid magac ahaan u jira.
WardheerNews
Leave a Reply