Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Warar uu Ururka Al-shabaab Faafiyay

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Warar uu Ururka Al-shabaab Faafiyay

Marka, Sebt. 03, 2013 (WDN)- War saxaafadeed uu soosaaray afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisii aanay wax carqalad ah kala kulmin socdaakii ay ku tageen magaalada Marka ee caasimadda gobolka Shabeelada Hoose.

Warsaxaafaddeedka uu soosaaray afhayeenka madaxtooyadu ayaa u qornaa sidatan:-

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Marka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehleiyaan, Wasiirrada, Cadaaladda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyayaasha Ciiddamada Xoogga iyo Nabad Sugidda, ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka  Sh/Hoose.

Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ,ayaa  ku hakadey  degaanka No 50, halkaasi uu kula hadlay  boqollaal qof oo ka tirsan dadka degaanka, islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka, ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.

Waxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , maamulka  gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmada Marka , Saraakiisha ciiddamada  iyo  Shacabka magaalada.

Ujeeddadda Safarka madaxweynahu ee magaalada Marka  iyo degaannada kale, ayaa ah  baahinta nidaamka  dowladnimo ee gobollada dalka , dibuheshisiinta, la tashiyada bulshada shirweynaha qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Buruselis  iyo aragtida fog ee dowladda ee ah in doorashooyin  dhacaan 2016.

“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconnaa Kooxaha nabad diidka  wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.

Haddaba sida ay sheegayeen warar hore oo ay faafisay wakaaladda wararka ee AFP, ururka Alshabaab ayaa sheegatay in ay weerar  ay ku qaadeen waftiga madaxweynaha markii uu marayay naawixga magaalada Marka.

Illaa hadda ma jiro warar madaxbannaan oo ka hadlaya dhacdadan.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.