Afhayeenka AMISOM oo sheegay in ciidamo dheeraad ah dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya

Muqdisho, Maarso28, 2013 (WDN)- Wada hadallada ka socda magaalada Kismaayo ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG  ee Kismaayo, ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo, iyadoo dhinacyada shirka u socdo ay magacaabeen guddiyo farsamo oo soo diyaariya qoddobada labada dhinac ku heshiinayaan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Kiismaayo, waxa halkaasi wali ka socda kulamo gaar gaar ah, iyadoo shalay lagu dhawaaqay guddi xukuumadda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ay qeyb ka yihiin,  oo sii amba qaadaya wadahadallada maamulka loogu sameynaayo Jubbooyinka.

 Wararka qaar, ayaa sheegaya in raysal wasaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faaraax Shirdoon Saacid iyo xukuumaddisa ay doorbidayaan in shirka Kismaayo ka socda loo badalo mid dib u heshiisiineed oo dowladduna ay magacawdo maamul KMG ah  oo lix bilood jiraya, kuwaas oo dabadeed ka soo shaqeyn doona maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 Maamulka KMG ah ee Kismaayo, ayaase taasi ka soo horjeedda, waxaana lagu wadaa in guddiga hadda la sameeyay ay arrimahaasi sii amba qaadaan, oo heshiis ay ka gaaraan.

 Dhinca kale raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa booqday dekadda Kismaayo iyo howsha shaqo ee ka socota halkaasi, isagoo ku dhiira galiyay maamulka dekadda inay howshooda halkaasi kasii wadaan.

 Maxmed Noor
WardheerNews
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.