W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays

“Wacays, maxaa ku helay? Maxaad sugi?” buu igaga nixiyey mid ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. “Dee Wacays, Af jooga looma adeego e, su’aashii aad beryahan nagu wareerisey, sowdigan maanta madaxweynihii aad is hor fadhidaan, maad haatanba si toos ah isaga u weydiisid?” buu sii raaciyey cod dheer oo ay maqleen qaar ka mid ah dadkii goobta joogey, kaddib markii uu malahayga dareemay in aan ku dhex haftay oo hirar khajilaad ah.
“Maxay ahayd su’aashaas la isku tuurtuurayo weydiinteeda? Soo daa su’aasha,” buu igu yiri madaxweyne Geelle, isagoo dhankayga soo eegaya, kaddib markii ay dhegihiisa ku dheceen tannaagadii uu la-taliyehiisu igu halgaadey.
Dabayaaqadii bishii Juun ee sanadkii 2003 ayaan tagey magaalada Jabuuti, si aan uga qayb galo kulan-aqooneed, dhaqaneed, iyo suugaaneed lagu qabanayey halkaas. Kulan-aqooneedka waxaa soo qabanqaabiyey naadiga PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla. Kulanka waxaa loogu magac daray Toddobaadka hal-abuurka Soomaaliyeed, wuxuuna ka koobnaa saddex hawlgal oo is feer-socday, kuwaas oo kala ahaa: Shirweynaha labaad ee naadiga PEN, dood-wadaag aqooneed iyo bandhig fan iyo suugaaneed. Guud ahaan dadkii kulanka kasoo qayb galay oo isugu jirey Soomaali iyo ajnabi waxay ka kala yimaadeen Jabuuti, Soomaaliya (Somaliland, Puntland, Koonfurta Soomaaliya), Itoobiya, Kenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Carabta. Aniga oo ka mid ahaa hawlwadeenka naadiga PEN, waxaan horkacayey wafdigii ka yimid Puntland oo ka koobnaa qorayaal, hal-abuur, iyo saxufiyiin ruug-caddaa ah.
Maalin ka mid ah maalmihii ugu dambeeyey kulanka, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo tiir-dhexaad u ahaa guud ahaan hawlgallada naadiga PEN, gaar ahaan qabsoomidda kulankaas, wuxuu nagu casumay gurigiisa oo uu qado noogu sameeyey. Waana goobtaas meesha aan aniga iyo isaga ku kulannay.
“Ma garwaaqsan tahay in mahadhada keliya ee laga dhaxlay shirweynihii Carta ee ay martigeliyeen dowladda iyo shacabka Jabuuti ee aad adigu hoggaamineysey ay noqotay ‘Kud ka guur oo Qanjo u guur,’ raad-reeb aan dhaxalkiisa la mahadin, sababtoo ah habkii ka-qaybgalka (representation) shirka iyo awood-qaybsiga (power-sharing) hannaankii dowladnimo ee shirkaas lagu yagleelay, markii ugu horreysey taariikhda Soomaaliyeed, waxaa lagu saleeyey hab-beeleed ku dhisan 4.5,” baan weydiiyey madaxweynaha.
“Waan kula qabaa in shirkii Carta awood-qaybsigii dowladnimo ee lagu dhidbay hab-beeleedka 4.5 uu noqday raad-reeb aan dhaxalkiisa la mahadin. Annagu, sidaas baannu u arkayney, hase yeeshee wuxuu ahaa go’aan adag oo ay Soomaalidu iyagu gaareen, annaguna aannu la qaadannay, annagoo weliba aan raalli ka ahayn,” buu iigu jawaabay.
Nin kale oo ka mid ahaa la-taliyeyaasha madaxweynaha baa dabadeed ii soo taagay qoraal uu boorsadiisa ka soo saaray oo magaciisu ahaa “peace plan” ama qorshaha nabadaynta Soomaaliya. Qorshe-hawleedkaas ayaa ahaa aasaaska laga tilmaan qaadanayey ama jiheeyihii lagu hagayey geeddi-socodka shirweynihii Carta.
Qayb ka mid ah qoraalkaa oo ku qornaa af-ingiriisi ayaa u dhignayd sidan:
“It must be stressed that representation based on clan affiliations or the assumed strength of importance of certain clan, inlcuding the size of terrirories presumed or traditional belonging to certain clans, would only succeed in perpetuating or reinforcing the division of the nation.”
“Waa in si adag loo caddeeyaa in ka-qaybgal kasta (ee shirka looga qayb galo) hab ku dhisan ka-tirsanaan reer, ama awood iyo muhiimnimo la is moodsiiyo in uu leeyahay qabiil ka mid ah qabiillada, ha noqoto baaxadda dhulka ay deggan yihiin ama ku-abtirsi soo-jireen ah (wax-ku-qaybsiga reernimada iyada ah) waxa keliya ee ay keeni karto waa sii joogtaynta iyo sii xoojinta kala-qaybinta ummadda”
“Shacabka Jabuuti iyo dowladdooduba waxay ku shaqaynayeen hal-ku-dheggii ahaa ‘annaguna gogosha, idinkuna go’aanka,’” buu madaxweynuhu ii raaciyey.
‘Annaguna gogosha, idinkuna go’aanka’
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ahaa la-taliyeyaashii dowladda Jabuuti iyo garwadeenkii hagayey shirweynihii Carta, wuxuu buuggiisa ‘Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa’ ku faahfaahiyey dulucda hal-ku-dheggaas uu madaxweynuhu ii sheegay in ay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdooduba ku shaqaynayeen.
“Reer Jabuuti waxay hal-abuureen, kuna shaqeeyeen ambaqaadkii caanka noqday ee ahaa ‘annaguna gogoshaan leenahay, idinkuna go’aanka’. Waxay ahayd markii ugu horreysey ee bulshoweynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ay fursad u heleen fagaare dimoqraaddi ah oo ay uga qayb galaan go’aan-ka-gaaridda aayaha dalkooda,” buu Dr. Afrax ku qoray buuggiisa.
“Markii ugu horreysey ayaa dadka Soomaaliyeed fursad loo siiyey in inta lagu martigeliyo dal kale haddana iyaga loo daayo ama xornimo loo siiyo talada shirkooda iyo arrimihiisa. Tan ayey ahayd arrinta ummaddii Soomaaliyeed ee la heshiisiinayeyna deeqday, adduunweynuhuna tixgaliyey ee ku aqoonsaday go’aankii dadka Soomaaliyeed tala-wadaagga ku gaareen.”
Yusuf Garaad: Afar iyo Bar
Qofba maalin bay ku dhalataa su’aal cusub oo uusan markaas u ahayn jawaab, dabadeedna wuxuu u hawlgalaa baadigoobka su’aashaas jawaabteeda. Su’aashii aan bartamihii 2003-dii isweydiiyey ee ku saabsanayd curashada hannaanka gurracan ee awood-qaybsiga dowladnimada Soomaalida ee ku sallaysan hab-beeleedka 4.5, waxay Yusuf Garaad ku dhalatay dabayaaqadii sanadkii 2015, dabadeedna wuxuu baadigoob u galay jawaabta su’aashaas.
“Kulammo badan oo aan diblomaasiyiin iyo hoggaamiyayaal siyaasadeed kula yeeshay Addis Ababa iyo Djibouti waxaa iiga soo baxay in Djibouti shirka ay dooneysay in ay u qabato Soomaalida aanay kala tashan kana wargelin Ethiopia ka hor ku dhawaaqiddiisa,” buu Yusuf Garaad ku qoray qoraal kooban oo uu ka diyaariyey jawaabtii uu soo helay, wuxuuna intaas raaciyey “Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu u socdaalay Addis Ababa. Wuxuu codsaday in ay Ra’iisal Wasaaraha isku arkaan gegida dayaaradaha. Markii ay ku kulmeen garoonka Bole ee Addis Ababa, ayuu Madaxweynaha Djibouti wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia guddoonsiiyay gal ay ku jirto faahfaahinta Shirka ay Djibouti damacsan tahay in ay ku qabato Carta. Madaxweyne Ismaaciil wuxuu weydiistay Ra’iisal Wasaare Meles in uu soo derso qorshaha Djibouti ee shirka, wuxuuna ka codsaday in Ethiopia ay Djibouti ku taageerto shirka iyo natiijada ka soo baxda.”
“Geelle wuxuu halkaa Zenawi ugu ballan qaaday in si siman ay wax u heli doonaan qabaa’ilku. Taas waxaan u haystaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee ay hoggaamiyayaasha gobolku ay ku heshiiyeen in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo isla markaana ay Djibouti meel marisay. Waxaan anigu u macnaystay curashada 4.5 in heer qaran wax loogu qeybsado in ay ka timid kulanka labada hoggaamiye ee Bole.” buu Yusuf hoosta kaga xarriiqay nuxurka natiijada baaritaankii uu sameeyey.
Dr. Maxamed D. Afrax: Afar iyo Bar
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ahaa la-taliyeyaasha dowladda Jabuuti iyo garwadeenkii hagayey shirka wuxuu isla buuggiisa “dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa” si faahfaahsan kaga warramay curashada habka 4.5.
“Waxaa muhiim ah in hoosta laga xarriiqo in dowladda Jabuuti ayan wax eed ah ku lahayn arrintan, sida ay is-moodsiin karaan dad aan xog-ogaal ahayn. Waxay ahayd arrin ay Jabuuti ku khasbeen, qorshihii ay hore u dejiseyna kaga weeciyeen Soomaalidii lala tashaday ama talada loo daayey, intoodii badnayd, kuwaas oo ay ku jiraan odayaashii dhaqanka, kuwii siyaasadda iyo ergooyinkii shirka ka qayb galayey intaba.”
Dr. Afrax wuxuu buuggiisa ku faahfaahiyey weecintii lagu sameeyey iyo sidii loogu afduubay ambaqaadkii uu ku hiranayey hindisaha Jabuuti xalaalaynta hab-beeleedka, wuxuuna kusoo ururiyey saddex qodob oo waaweyn.
“Waxaa jirtey koox lagu magacaabay ‘siyaasiyiinta ruug-caddaaga ah’, kuwaas oo ka mid ahaa qaybihii bulshada Soomaaliyeed ee ay la-tashiga u marti-qaadday dowladda Jabuuti. Siyaasiyiintaa hore ee la biday ‘ruug-caddaannimada’, kaddib markii hoteelka weyn ee Sheraton lagu hayey muddo bil ah, wax talo muuqada lagu sheegi karo tan ugu weyn oo ay xoogga saareen, madaxweynaha Jabuuti iyo guddigii shirka maamuleyseyna ku cadaadiyeen, waxay noqotay ‘qabiil wax ha lagu qaybsado.’ Odayadaasi, olole ay fikraddaas ku riixayeen awgii, waxay toos ugu tageen madaxweynaha, si ay uga culays bataan la-taliyeyaashii kale ee hababka kale ku talinayey, sida habka deegaanka.”
“Tan labaad, wufuuddii la-tashiga loogu diray koofurta Soomaaliya, sida Muqdisho iyo Baydhabo, bilihii Maarso iyo Apriil 2000, dadkii ay la kulmeen ee ku hadlayey magaca gobolladaas waxay xoogga saareen in ay Jabuuti ku yiraahdaan ma yeelayno wax aan ahayn in qabiil wax lagu qaybsado. Kaddibna, markii Carta la isugu tagey, ergooyinkii gobolladaa ka yimi, ahaana aqlabiyadda ka-qaybgalayaasha shirka, waxay si culus ugu adkaysteen isla fikraddii.”
“Waxaa la waayey cid leh cudud muuqata ama cod micna leh oo fagaaraha soo dhigta, difaacdana habraac kaas ka duwan (marka laga reebo ergadii Puntland oo iyagu markii hore soo jeediyey hab deegaan, markii dambese aan aad ugu adkaysan, maadaama ay guud ahaanba awooddii ka-qaybgalkoodu ku wiiqantay qaaddacaaddii maamulkoodu qaadacay shirka, ergadiina qayb ahaan ka saaray).”
Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu kaloo buuggiisa hoosta kaga xarriiqay in dhaqdhaqaaqii bulshada rayidka ah ee ay billowgii madaxweynaha Jabuuti iyo dowladdiisu isku dayeen in ay dhiirrigaliyaan, awoodeeyaan, ka dhigaan saldhigga weyn ee geeddi-socodka in ay noqdeen wax aad u itaal daran, aad u kala daadsan, aadna u jahawareersan.
“Way noqon waayeen quwad ka faa’iidaysata, shirkana uga faa’iidaysa fursaddii la siiyey. Dadkii horboodayeyna waxaa si fudud u qaadatay dabayshii beelaha oo la kala tagtay” buu Dr. Afrax ku yiri buuggiisa.
Prof. Cabdisalam Ciise-Salwe: Afar iyo Bar
Prof. Cabdisalam Ciisa-Salwe oo ka mid ahaa aqoonyahankii shirka ka qaybgalay, warqad-cilmiyeeddiisa halkudheggeedu yahay ‘Somali Peace Process: Why Arta Conference failed?’, wuxuu ku qoray in Jabuuti laga weeciyey nidaamkii ay u dejisey ka-qaybgalka shirweynaha iyo awood-qaybsigiisa. Prof. Issa-Salwe wuxuu cilmibaaristiisa ku faahfaahinayaa sida falsafaddii uu ku dhisnaa hindisaha Jabuuti ay u ahayd mid ka horjeedda qabyaaladda iyo qabqablayaasha, una horseedeysa in awoodda lagu celiyo bulshaweynta oo wakiilladeeda u soo dirsata hab ku dhisan deegaannada iyo kooxaha metala qaybaha bulshada.
W.Q. Cabdulqadir M. Wacays
Email: cmwacays@yahoo.com
