Abwaan Sangub oo Addis Ababa ku Geeriyooday

Abwaan Sangub oo Addis Ababa ku Geeriyooday
Abwaan Sangub

Addis Ababa, Ilaah naxariistii janno ha siyee wararka aan ka helayno magaalada Addiis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in uu maanta isbitaal ku yaal halkaas ku geeriyooday Abwaan Maxamed Cabdullaahi Sangub oo ka mid ahaa halabuurka ugu caansan geyiga Soomaaliyeed.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanay magaalada Muqdisho ayaa warar iskhilaafsani ka soo baxayaan sababta loo geeyay magaalada Addis Ababa.

Warar aanaan xaqiijin karin ayaa sheegaya in marxuumka loo qaaday Addis Ababa iyadoo aan lagala tashan eheladiisa lana sii mariyay dalka Sacuudi Arabiya, halka warar kale sheegayaan in Addis Ababa loo geeyay si loogu daaweeyo halkaas.

Si kastaba ha ahaatee marxuumka ayaa ahaa nin si aad ah uga soo horjeeday gumaysiga Itoobiya ee ka amarkutaagleeya dhulka Soomaali Galbeed oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo iyadoo dhawr jeer oo hore oo horjoogayaasha magaalada Jigjiga ugu yeedheen in halkaas uu yimaadana uu ka diiday.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa abwaanada qaranka Soomaaliyeed ee hoboladii Waaberi isagoo sameeyay ruwaayadihii ugu caansanaa abid iyo heeso aad u tiro badan.

Marxuumka ayaa kaalinta uu banneeyay ay adagtahay in la helo abwaan buuxin kara.

Haddii aanu nahay bahda WardheerNews waxaanu qoyskii, ehelkii iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyaynaynaa geerida naxdinta badan ee ku timid abwaan Sangub, waxaanan marxuumka Eebbe uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.