Hargeysa (WDN)- Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alle naxariitee jano haka waraabiyee, Abwaan Xuseen Xirsi Caddi (Boon Xirsi ) oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ah ee kooxdii Waaberi ee fanka Soomaaliyeed.

Boon Xirsi Alle Naxariistii jano haka waarabiyee, waxa uu ku soo caan baxay Riwaayaddo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwii la dhigay wakhitigii Soomaaliya dagaalka kula jirtay Itoobiya sanadihii 1977-78 sida Riwaayaddii Galbeed Waa la Xoreeyay ee Waarsaa Gaagixisay, oo uu sameeyay Abwaan Xasan Geni. Boon Xirsi waxa kale oo uu kaalin weyn ka qaatay isaga oo alifay heeso badan oo ku jiray Riwaayaddii Ninba Timo Xamar ee uu alifay Abwaan Meecaad Miigane Alle Naxariistii jano ha ka waraabiyee.
Boon Xirsi waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Hargeysa, waxa uuna ahaa abwaan aad loo jecelyahay dhinaca majaajilada oo dadka aad uga qosliya. Fadlan halkan ka akhri maqaal ka hadlaya Boon Xirsi oo dhawan ku soo baxay WardheerNews.
Bahda WardheerNews iyada oo aad uga xun geerida Awaan Boon Xirsi, waxa ay tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed,
Waxaanu Ilaahay uga beryaynaa marxuumka in uu ka waraabiyo janada, ehelkiisana Samir iyo Iamaan ka siiyo.
Aamiin
WardheerNews
Leave a Reply