
Muqdisho, Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Md.Sheekh Cumar Cali Rooble.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Sh. Cumar Cali ayaa kula dardaarmey wasiirka cusub in hore uu usii dhaqaajiyo mashaariicda socdey ee wasaaraddu waddey, waxa uuna Alle uga baryey inuu la garabgalo mas’uuliyadda adag ee loo igmadey.
Wasiirka cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Md.Sh Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa ballanqaadey in waajibaadka qaran uu u gudan doono si hufnaan iyo caddaaladi ku jirto, waxa uuna tilmaamay in ay hortaalo hawlo adag oo u baahan wax qabad dhab ah.
Ra’isalwasaare Xamse ayaa ku ammaaney wasiirkii hore, wakhtiga uu ku bixiyey u adeegidda dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay in muhiimadda wasaaraddani tahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee umadda Soomaaliyeed.
Wasiir Roobow oo muddo maxbuus u ahaa dawladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayay dawladda cusub ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud fursad u siisey in uu qayb ka noqdo xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayadoo laga duulaayo halkudhegga cusub ee dawladda Soomaaliya ee ah Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah. Waxaana Roobow hore uga mid ahaa hoggaanka sarsare ee xarakada xagjirka ah ee Alshabaab oo uu kasoo goostey in badanna dagaalo xoog lehi dhexmareen.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in tallaabada ra’isalwasaare Xamse ugu magacaabey Roobow xubinimada golihiisa wasiirrada ay keeni karto in saraakiil sarsare oo xarakada ka tirsan ay dawladda kusoo biiraan oo soo goostaan isla markaana ay suuro galtahay in wadahadallo ay dhex maraan hoggaanada qunyar socodka ah ee xarakada Alshabaab iyo dawladda Federaalka.
Maxamed Cumar Sheekh Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply