Abaar iyo Macaluul Ba’an oo Saamaysay Deegaanka Soomaalida

Jigjiga, Xaaladda abaarta ee ka jirta deegaanka Soomaalida, ayaa la sheegayaa in ay saamaysay nolosha dadka reer guuraaga ah iyadoo hadda ay xoolo badan u le’deen biyo iyo baad la’aan ayna khatar ku jirto nolosha dad badan oo laga cabsi qabo in ay iyana harraad u dhintaan.

Warbixin ay dhawaan ka soo saartay xaaladda abaarta ku habsatay deegaanka Soomaalida ayay hay’adda USAID ku tilmaantay midii ugu ba’anayd ee ka dhacda halkaas muddo 40 sano ah.

Hawlaha gargaarka ee lagu badbaadinayo dadka iyo duunyadooda, ayaa u muuqda kuwa gaabis ah iyadoo meelo badan oo cunto iyo biyo la’aan xooggani ka jirto aanay ilaa hadda helin wax gargaar ah oo uga yimid dhanka maamulka ka arrimiya deegaanka soomaalida.

Abaarta ayaa lagu soo warramayaa in ay barakicisay dad badan, kuwaas oo u hayaamay deegaano kale oo aad uga fog goobihii ay degganaayeen, si ay ugu helaan baad iyo biyo xoolahooda wixii u badbaaday.

Raqda xoolaha ku dhintay abaarta ayaa meel walba lagu arkayaa iyadoo laga cabsi qabo in ay arrintaas ka dhashaan cudurrada faafa, kuwaasi oo sii kordhin kara khatarta abaarta, sababina kara in ay sahaydaan dad tiro badan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu RW Itoobiya booqosho ku yimid deegaanka Soomaalida, uuna booqday dad ka soo barakacay abaarta oo ku sugan degmada Qabribayax.

Waxaa la yaab iyo amnkaag ku noqotay shacabka ka dib markii uu horjoogaha deegaanka Soomaalidu, Mustafe Cagjar uu dadkii tabaalaysnaa ee dumarka iyo caruurta u badnaa u sheegay in ay shaqaystaan oo ayna dad kale wax ka sugin.

Iyadoo haddaba xaaladda abaarta deegaanku marayso meel halis ah ayaanay ilaa hadda jirin gurmad qaran oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah ee abaartu ku habsatay.

Baarlamaanka F. Itoobiya ayaa dhawaan ansixiyay miisaaniyad dheeri ah oo dhan 122 bilyan oo bir, laguna kharakhgarayna doono ciidamada iyo dibudhiska deegaannada Amxaarada iyo Canfarta oo la sheegay in ay waxyeello ka soo gaadhay dagaalkii uu Abiy Axmed ku qaadday deegaanka Tigrey.

Miisaaniyadda intaas leeg ayaanay jirin hal bir oo loogu talagay in lagu gargaaro deegaanka Soomaalida oo hadda ay ka taagantahay khatar bani’aadanimo oo degdeg ahi.

Maamulka Cagjar oo isagu ku caanbaxay musuqmaasuq iyo leexsashada hantida ummadda, ayaa ah mid aan lagu aamini karin deeqaha gurmadka loogu talagay dadka baahan iyadoo arrintaas walaac badan laga muujinayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahayn in haddii aan si dhakhso ah gurmad loola gaadhin shacabka ay abaartu saamaysay in ay dad iyo duunyo badani oo la badbaadin karayay u le’an doonaan harraad iyo gaajo.

WardheerNews, Jigjiga