Abaabullada iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo sii xooggaysanaya

Muqdisho (WDN)- Golaha  Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo. Kaasi oo ay ka qeybgaleen saraakiisha laamaha amniga,  booliska, milatariga, nabad sugida, hawlgalka midowga afrika- ATMIS iyo saraakiil ciidan oo ka socda dalka Ingiriiska .

Golaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid doonaya inuu mideeyo dadaallada laamaha kala duwan ee amniga, kuwa hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo saraakiisha midowga Yurub ee tababarka iyo taageeradaba siiya ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo dhamaan ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab oo deegaano badan oo maamulkaasi ka mid ah gacanta ku haya.

Kulank oo uu shir gudoominayey Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa waxaa diiradda lagu saarey xasilinta amniga iyo dardar gelinta hawlgalada Alshabaab looga saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan oo ay weerarada kasoo abaabulaan.

Kulanka Golaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii  degmooyinka dhawrka sano go’doonka ku jira sida Diinsoor, Xudur iyo Waajid looga saari lahaa oo wadooyinkaas xiran dib loogu furi lahaa.

Abaabulkaan ka bilaabmey Koonfur Galbeed ayaa noqonaya culeys hor leh oo soo wajahey maleeshiyaadka Alshabaab oo iminka dagaalo xooggan kala kulmaya ciidamo is biirsadey oo milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaadka deegaanka, kuwaasi oo ka kala socda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Alshabaab ayaa dharbaaxooyin isdaba yaalla maalmihii lasoo dhaafey kala kulmay dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada xoogga dalka, waxaana markii ugu horeysay muddo 8 sano dib loo furey wadada isku xirta Baladweyne iyo Buulo-burde oo xirneyd, sidoo kale deegaanka Booco oo saldhig Istaraatiiji u ahaa Alshabaaba ayaa maalinkii shalayd ahayd lagala wareegay.

Is abaabula dadka deegaanka ayaa marba marka kasii danbeysa sare u kacaysa ayadoo ay jirto hanjabaad dhawaan kasoo yeertey Afhayeenka kooxda Alshabaab Sheekh Cali Dheere, kaasi oo sheegay in ay beegsan doonaan cid walba oo qeyb ka noqota duulaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bulshada uga baaqay in ay ka fogaadaan xarumaha dawladda iyo hay’adaha garabka u ah.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.