Abaabul Mooshin ka dhan ah Ra’iisal  Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ay wadaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka

Abaabul Mooshin ka dhan ah Ra’iisal  Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ay wadaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka

Muqdisho (WDN)- Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhawaan shir ku yeeshay magaalada Nairobi, ay wadaan mooshin xil ka qaadis ah oo lagaga soo horjeedo Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Mooshinkan oo sii xooggeysanaya, ayaa la filayaa in ay saxeexaan ku dhawaad ​​100 Xildhibaan, taasi oo muujineysa dhaq-dhaqaaqyo isbeddel-doon ah oo lagaga soo hor jeedo Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu wado inuu furmo 6-da bisha Febraayo, 2025, ayaa waxaa muuqata in mooshinka la hor keeno, iyadoo la filayo in ka badan 100 xildhibaan ay taageeraan. Tani waxay ka tarjumeysaa fashil qotodheer oo laga qabo hoggaanka Ra’iisul Wasaare Hamsa, Madaxweyne Xasan iyo jihada guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Arintan ayaa muujinaya kalsooni darada sii kordheysa ee dowladda Soomaaliya iyo kala qeybsanaanta xildhibaanada.

RW Xamse Cabdi Barre

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa uu cirka isku sii shareerayo, gaar ahaan wixii ka dambeeyay booqashadii Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Axmed Madoobe, uu ku tagay magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay Madax ka tirsan Dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamsa booqashada Axmed Madoode kadib  soo jeediyay in loo jaro xiriirka diblomaasiyaddeed lana  mamnuuco Qaadka laga keeno Kenya. Soo jeedintan ayaa la sheegay inay mucaarad xooggan ka dhalisay Madaxweyne Xasan, o osi gaar ah lug ugu leh ganacsiga Qaadka Kenya.

Khilaafka labada mas’uul ayaa qeyb ka qaatay buuqa ka dhex aloosan Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa ku dooddaya in xil ka qaadis lagu samaeeyo Ra’iisul Wasaare Xamsa aysan wax macno ah uu soo kordhin  doonin madaxweyne Xasan. Aragtidaas, oo sheegaysa in R’aiisel Wasaare kasta oo la magacaabo wakhtigan in uu beddelo Hamsa in aanu noqon doonin shaqsi u hoggaansama tallooyinka iyo higsiga Madaxweyne Xasan, islamarkaana  ay u badan tahay inay ka horimaan doonaan xaaladda taagan, gaar ahaan arrimaha ku saabsan siyaasaddaha muranka dhaliyay ee madaxweynaha, wax ka badelka dastuurka iyo eedeymaha musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan oo waqtigiisa gabagabo ku dhow yahay, Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu noqon karaa caqabad weyn, isagoo si cad uga hor-imaan kara fashilka madaxweynaha.

Loolankan awooddeed ee ka dhex jira dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya kala qeybsanaanta sii xoogeysatay iyo niyad jabka sii kordhaya ee ka jira hoggaanka Madaxweyne Xasan, iyadoo dalka uu weli la daalaa dhacayo xasilooni darro siyaasaddeed iyo niyad jab dadweyne.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.