Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AAMINA AXMED: HORSEEDKA GUUSHA

W.Q. Maxamed Cabdidheere

……..hablo weerar gali kara, hablo geela dhicin kara, hablo geesi dili kara, hoobeey gobonimo hanan kara, hablo talada goyn kara, garta madal ka niqi kara, garashada isaga mida, hobeey quruxdana ka wada gobaheey geeskeena mooyee gayi kale ma joogaan. abwaan hadraawi.

Gobi waxay ku dhaqantaa, garab waxay ka dhigataa, gallad waxay ku dheeftaa, sama waxay ku gaadhaa  gololada haweenka. Xaqiiqdii haweenku waa quruxda nolosha, waa macalinka Afsoomaaliga, waa ababiyaha ubadka, waa xoogga iyo caqliga ka danbeeya qof kasta oo nolosha guul ka gaadha. Sidoo kale hablaha Soomaaliyeed, waxay ku suntan yihiin halgankii xornimo u dirirkii ummadda somalyeed.

Maalmo ka hor waxaa Jigjiga lagu soo gabagabeeyay shirweynihii xisbiga (XDS/SDP) oo socday muddo sadex maalmood. Shirweynahan ayaa kusoo beegmay xilli degaanka ay ka sokow isbeddelka siyasadeed, abaaro iyo xaalad barakac oo aad u baahsan oo ay sababeen colaadii u dhexaysay qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromada. Degaanka Soomaalida ayaa ah degaanka ay ku sugan yihiin barakacayasha ugu badan ee kasoo barakacay degaanka Oromiya. Waxaa marag ma doonto ah in xukuumadda degaanka ka arrimisa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Mustafe Cagjar ay aad uga gaabisay daryeelka nolosha dadka barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan Qoloji, Tuili Guleed iyo Moyaale. Dadka ka faalooda siyaasadda degaanka ayaa aad ugu dhaliila xukumadda Cagjar inay ka gaabisay masuuliyaddii iyo kaalintii looga baahnaa ee daryeelka nolosha shacabka barakacayasha, taas baddelkeedana ay aad ugu mashquushay loollanka siyasdeed ee degaanka ka jiray ee u dhaxeeyay hoggaaminta ugu saraysa degaanka.

Sida aan ka warqabno in ka badan 3000 oo isugu jira hoggaaminta xisbiga, madaxda u saraysa xukuumadda, ergooyinka xisbiga iyo marti sharaf laga soo xulay dhammaan degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo hay”adaha dawladda ayaa kasoo qeybgalay shirweynaha 10aad ee Xisbiga oo lagu qabtay magaalada jigjiga. Dhammaan xubnahan ku sugnaa madasha ayaa waxaa madaxooda  ka dhex guuxayay arrimo dhowr ah oo ay ugu horrayso tolow ma lagu dooran, ina adeerka ma soo gali doonaa golaha dhexe iyo guddiga fulinta, saaxiibkaa hebel guddi fulin ma noqon doontaa, qabiilkiinu immisaa la siin doonaa, dhinacee ayay guushu raaci doontaa IWM. Qaar kale ayaa iyagu shirka u joogay inay taariikhda u gasho inuu shir weynaha xisbiga ka qeyb galay, qaarbaa lacago ku bixiyay siday uga qeyb gali lahayeen, kuwa kale ayaa iyaguna suudhadh meelo fog uga doontay si ay sawiro qurux badan ugu galaan madasha shirku ka dhacayay kadibna si ay baraha bulshada usoo dhigaan.

Inta badan qoddobada shirka lagaga hadlayay ayaa ku saabsanaa shaqooyinka Xisbigu usoo qabtay, doodo ku saabsan hannaanka siyasadeed ee Xisbiga iyo dhaliillo lagu shaanbadeeyay xukuumadihii hore. Sidoo kale xubnaha ka qeyb galayaasha ee shirka, oday dhaqameed, aqoon yahan iyo siyaasiba mid waliba wuxuu ka hadlayay sida ugu fiican ee uu danahiisa siyasadeed ama mid ka beeshiisa u gaadhi lahaa. Nasiib darro marnaba lama soo hadal qaadin xaaladda cakiran iyo dhibaatooyinka bini aadantinimo ee ka jira xeryaha barakacayaasha Qolloji, Mooyale, Tulli Guuleed iyo Baabile.

Aamina Axmed

Sida ay tilmamayso odhaahda tidhaahda “geesigu wuxuu kasoo baxaa dhinac aanad filayn”. Aamina Axmed oo ah gabadh dhallinyaro ah kana socotay degmada Tulli-Guuleed, kana mid ahayd marti sharafta aan codka lahayn ayaa sidii iftiinka ama hillaaca mudh kasoo dhex tiri. Aamina Axmed waa ardayad gu’ga ay jirtaa uu labaatan ka yar yahay balse xambaarsan aragti fog iyo dareen damqasho oo aan ku jirin haldoorkii kale ee shirka kasoo qeyb galay.  Aamina Axmed madaama ayna ergada codka leh  kamid ahayn isku day badan oo ay samaysay fursad umayna helin in codbaahiyaha loo dhiibo oo ay ra’iyigeeda kula wadaagto ka qeybgalayaasha, balse Aamina Axmed oo qalbigeeda ay ka dhex guuxayso dhibta iyo nolol xumada haysata barakacayasha kamayna rajo dhigin in ay u hadasho shacabka barakacayaasha. Waxay dedaal dheer ku bixisay inay mar uun la kulanto madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga. Nasiib wanaag Aamina Axmed waxaa u suurta gashay inay fursad  u hesho inay la hadasho madaxweyne Mustafe Cumar iyo Axmed Shide. Aamina Axmed oo ah gabadh dhalinyaro ah ayay madaxdu ka filaysay inay kala hadasho dano gaara sida in shaqo la siyo ama laga caawiyo dano u gaara balse Aamina Axmed ayaa tustay aragti iyo dareen ka duwan midkay filayeen. Marwo Aamina Axmed oo ay ka muuqato dareen damqasho oo qoto dheer, naxariis iyo lexejeclo ayaa labadii masuul ku tidhi hadalkan:

……….mudane madaxweyne iyo mudane guddoomiye waxaaad madax u tihiin waa shacabka, waa hubaal kuwa aad codka ka raadinaysaan inay yihiin shacabka. balse ma ogtihiin kuwa badan oo kamida shacabka aad magacooda iyo jiritaankooda ku fadhidaan kursiga ee aad madaxda ku tihiin inay wajahayaan nolol xumo iyo dar xumo baahsan, waad ogtihiin inay isugu biirtay colaad iyo barakac baahsan oo ay ku waayeen mood iyo nool waxay lahaayeen. Mudane madaxweyne iyo mudane guddoomiye waad ka warqabataan Qolloji tirade ku sugan, Tuli Guleed, Moyaale iyo qeybo kale oo degaanka ka tirsan. duruufaha nololeed ee ka jira mudane madaxweyne iyo mudane guddoomiye waxaan idinka codsanayaa inaad shacabkeena wax u qabataan oo aad u gargaartaan masuuliyadna aad iska saartaan……….

Aamina Axmed intaas markay tidhi hadalka waa ay wadi kari weyday ilmo ayaana indhaheeda buuxshay. Farriintan gabadhan yar oo ka duwan aragtidii iyo hamigii ay xambarsanayeen inta badan ka qeybgalayaashii ayaa taabatay quluubta madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Guddoomiye Axmed Shide kadibna ka ballanqaaday inay si degdega waxa uga qabanayaan gudina loo saari doono.

Maalin kadib shirkii ugu horreeyay ee golaha dhexe isugu yimadeen ayaa lagu dhisay guddiyo kala duwan oo booqda goobaha ay barakacayaashu ku sugan yihiin isla markaana shaqadoodu ay tahay sidii loo caawin lahaa shacabka barakacayaasha.

Aamina Axmed wax xil dawladeed ah ma hayso, mansab kalena hadalkiiba daa balse waxay bulshada tustay una xaqiijisay inaad wax u qabato inaanay u baahnayn xil dawladeed ama mansab kale balse kaliya ay u baahan tahay inaad aaminto inaad wax qaban karto. Aamina Axmed waxay aamintay inuu waajib ka saaran yahay daryeelka shacabka barakacayaasha ah, waxay istustay nafteeedana ku qancisay inay guusha horseed ka noqon karto, waxay aamintay in taageerada shacabku ay tahay masuuliyad saaran qof walba oo muwaadina. Waxay muujisay dareen damqasho iyo mid waddaniyadeed. Ugu danbayna waxay gaadhay  himiladeedii ahayd inay cod u noqoto inta aan codka lahayn. Waxay xaqiisay guul ballaadhan oo ay sabab u noqotay in bulshada barakacayashu ay helaan gargaar bini aadan tinimo oo ay horseed ka yihin xukuumadda iyo Xisbiga Soomaalida ee ay hoggaamiyaan madaxweyne Mustafe iyo guddoomiye Axmed Shide. Waa taariikh cusub oo ka galaysa diiwaanka taariikhda baal dahab ah, laguna xasuusan doono haweenka Soomaaliyeed.

Gabagabadii ka sokow hambalyada iyo bogaadinta aan u dirayo halgamaa geesiyad Aamina Axmed aan hoos ka xariiqo si ay kalsooni ku dheehan tahay inaan cod dheer aan ku idhaah: haddii shacabka Aljeriya ku faanaan jamiila Aljeris, shacabka Soomaaliduna waxay ku fanayaan gabdhaha Rabbi gaarka iyo hadyada inoo siiyay ee ay hormuudka u tahay walaasheen Aamina Axmed.

W.Q. Maxamed Cabdidheere

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.