Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/11/Maxamed-Xaashi-Cilmi.jpg)
Waxa ku geeriyooday magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, Alle naxariistii janno ha siiyee- Maxamed Xaashi Cilmi.
Marxuum Maxamed Xaashi ayaa ahaa siyaasi magac iyo maamuus ku leh guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaaliland iyo Soomali Galbeed, isagoo aad loogu xasuusto dhinaca hufnaanta maamulka, la dagaalanka musuqa iyo kobcinta maamul wanaaga.
Bahda WDN iyagoo si aad ah uga tiiraanyaysan waxay halkan tacsi uga dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii Maxamed Xaashi iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed, waxaanay marxuumka Ilaahay uga baryayaan in uu jannadii Fardawsa ka waraabiyo qoyska iyo ehelkana samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin
Leave a Reply