by Jibril Osman
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/07/badhabo.jpeg)
Xaawo Maxamed Xuseen waxay ku faraxsantahay inay ku filantahay maareynta nolosha qoyskeeda oo ay ka dabarto dukaan uga dhex furan xerada barakaca Baroodi ee magaalada Baydhabo. Haweeneydan oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay dukaanka ku furatay $500 oo ay meel ka dhigatay lacag ugu soo dhici jirtay kaar ay siisay hay’adda World Vision.
Qoyskeeda oo danyar ahaa awgeed, waxaa la siiyay labo kaar oo midkiiba ay ugu soo dhaceeysay $90 bishii. Waxay tilmaantay in lacagta ay kaarka ku heleeysay ay bil walbo $30 meel ka dhigan jirtay.
“Wixii intaa ka horreeysay aad ayaan dhib u qabnay oo mar ayaanba isdhahnay dib ma isaga laabataan. Balse, waan adkeeysanay oo qoryo ayaan soo guri jirnay si aan hal waqti wax u helno. Markii dambe ee aan wax helnayna dukaan ayaan ka furanay oo carruurta ayaa waxbarasho noo heshay. Alxamdulilaah, hadda dad shaqeeysanaayo oo loo baahanyahay ayaan nahay.”
Xaawo ayaa sheegtay in dukaankeeda ay ku iibiso dhar, alaabta bagaashka, raashiinka iyo khudaarta. Waxay xustay in siddeed ka mid ah carruurteeda ay u dhigtaan iskuul, bishii na ay ka bixiso isku jirkooda $40. Lacagtan ayay xustay inay ka soo saarto dukaanka iyo kawaan ay ku furatay lacag u aruurtay oo ay ganacsiga meel ka dhigatay. Seygeeda ayay tilmaantay in kawaanka uu ka shaqeeyo.
Haweeneydan oo ku faraxsan isbeddelka ay nolosha ka sameeysay ayaa sheegtay in hadda ay qorsheynayso inay ka baxdo nolosha barakacnimada. Waxay xustay in boos ay magaalada ka iibsatay oo ay hadda waddo dhismihiisa. Dhulka ayay tilmaantay inay ku iibsatay $4,300.
“Dad aad iyo aad u shaqeeysanayo ayaan noqonnay. Wiil ka mid ah carruurta ayaa hadda i dhameeyay dugsi sare oo jaamacad ayaan la rabaa. Habeen iyo maalin ima kala soocno oo waan wada shaqeeyaa, ilaa lixda saac ee habeenimo ayaan shaqeeya, anigoo isleh un macaamiisha aysan ku dhaafin. Dukaankayda waa jiingad oo xerada aan ku jirno ayuu ku dhaganyahay,” ayay tiri.
Xaawo waxay ka soo barakacday tuulada Dhanbalka oo 37 km dhanka bari kaga beegan Baydhabo. Waxay halkaa ku dhaqanaysay xoolo isugu jira ari iyo lo’, kuwaasi oo ay ku wayday abaarta. Waxay xustay in abaarta ay ka laysay 27 neef oo ari ah iyo 15 oo lo’ ah. Kow iyo toban neef oo ari ah oo xoolaha uga soo haray ayay tilmaantay inay ku iibisay $275. Lacagtasi ayay sheegtay inay ku soo kireystay gaarigii magaalada Baydhabo keenay.
“Alxamdulilah, hadda saddexda waqti wax ayaan karsanaa oo waxbo naga ma maqna. Noloshii cariiriga ahayd waan ka baxnay oo magaalada ayaan la qabsanay. Xoogaanaga ayaan ku noolnahay, inaan gurigaanaga ku wareegno oo nolosha culeyska ah ee barakacnimada ka baxno ayaan rabnaa. Hadda qorshaha noogu ma jirto inaan ku laabanno tuuladii ama aan barakac sii ahaanno,” ayay tiri.
Faadumo Xasan Ibraahim oo ah hoyada toddobo carruur oo agoon ah ayaa sidoo kale ka mid ah qoysaska ganacsiga ka furtay lacagihii caawinaada ee u soo dhici jiray. Waxay hadda xerada ay ku nooshahay ku dhex iibisaa hilib.
Ganacsigan ayay xustay inay ku billowday $100 oo ay meel ka dhigatay lacagihii caawinaada ee u soo dhacaayay. Waxay tilmaantay in maalinkii ay ka hesho hilibka $50. Lacagtan ayay sheegtay in qeyb ay ganacsiga dib ugu celso halka inta kale ay ku maareeyso biilka qoyska iyo waxbarashada carruurteeda.
“Noloshanagii aad ayay isu beddeshay, Alxamdulilah. Markii hore carruurta baahi ayay la il-darnaayeen oo qof Muslim ah ayaa baabuurka aan halkaan ku imaani xitaa naga soo bixiyay. Hadda saddexda waqti ayaan wax karsannaa. Carruurta waxba ma garanayn oo waxbarasho la’aan ayay iga ahaayeen, hadda xisaabta waa ay aqaanaan. Afar ka mid ah ayaa iskuul iyo dugsiba i dhiganaya,” ayay tiri.
Faadumo ayaa 2022 bishii shanaad ka soo barakacday deegaanka Buulo Iir oo 90 km dhanka koonfur kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, markii ay abaarta ka saameeysay beer hal hiktar ah oo ay ay ku tiirsanayd.
Waxay tilmaantay in ka hor inta ay helin kaarka ay qoyskeeda ku maareeyn jirtay qoryo ay duurka ka soo guri jirtay. Waxay hadda ku faraxsantahay in nolosheeda ay ku filantahay oo aysan gacan kale wax ka sugaynin.
“Markii aan arkay qaabka ay dumarka deriskayga ah u shaqeysanayaan, waxaan isdhahay maad iska billowdo, sidaa ayaan miiskan ku furtay. Khudaar ayaan ku billaabay, markii aan fahmi waayay ayaan hilib u beddeshay. Hadda rajadeyda waxaa waaye inaan ganacsiga ballaariyo oo noloshaan barakacnimada ah ka baxo,” ayay tiri.
Caawinaadii ay qoysaska ku barakacay xeryaha Baydhabo ka heli jireen hay’adda World Vision ayaa ka joogsatay bishii saddexaad ee sanadkan. Dadkii ganacsiga billaabay ayaa ku filnaaday noloshooda, halka kuwa aan waxbo meel ka dhigan lacagtaa ay hadda wajahayan culeeys dhanka nolosha ah.
Xareedo Maxamed waa hoyada siddeed carruur ah oo ku nool kaamka Buul-dooy ee magaalada Baydhabo. Waxay ka soo barakacday tuulada Caliyow Mumin oo qiyaastii Baydhabo u jirta 37 km.
Haweeneydan ayaa sheegtay in tan iyo intii ay caawinaadda ka joogsatay ay wajahayso culeeys dhanka nolosha ah. Carruurteeda oo dugsi Qur’aan dhigan jiray ayay xustay in hadda guri joog yihiin. Waxay tilmaantay in dugsiga laga soo ceeyriyay labo bil ka hor, markii ay bixin weyday lacagta bisha oo isku jirkooda ahayd $15.
“Seygayga shaqadiisa joogto ma ahan. Wuxuu qabtaa dhagax jabin oo uu mar soo helo, inta badan na uu soo waayo. Maalmaha qaar waan qadnaa oo rashiinkii helidiisa ayaaba dhib nagu ah. Aniga ayaa mararka qaar aado suuqa oo guryaha soo dhoobo ama dadka dharka u soo dhaqo, si aan waxaan cunno u helno,” ayay tiri.
Xareedo oo kaamka Buul-dooy deggan muddo sanad ah ayaa sheegtay in magalada Baydhabo ay u timid inay ka hesho nolol ka duwan, middii ay ka soo barakacday. Balse, taasi beddelkeeda waxay xustay in hadda ay dareemayso cariiri dhanka nolosha ah. Waxay tilmaantay in deegaankii ay ka soo barakacday aysan hanti uga dambeeyn, sidaasi awgeedna aysan ku noqon karin.
Xigasho: Radio Ergo
Leave a Reply