Faahfaahin ka soo baxaysa weerer lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal Boosaaso

Faahfaahin ka soo baxaysa weerer lagu qaaday goob ganacsi oo ku taal Boosaaso

Boosaaso (WDN)- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar bambaano oo xalay lala beegsaday xarunta ganacsiga ee Al Macruuf, oo ku taal magaalada Boosaaso. Weerarkaasi oo uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Weerar bambaano oo xalay lala beegsaday xarunta ganacsiga ee Al Macruuf, Boosaaso

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, weerarkaasi oo loo adeegsaday bambo-gacmeed ay koox dabley ay ku qaaday xarunta ganacsiga ee Al-Macruuf.

Qofka la xaqiijiyay geeridiisa ayaa ahaa waardiyihii xarunta, oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen inta aaney weerarka bambaanada qaadin. Weerarka ayaa sababay dab qabsaday xarunta oo ka dhashay bambaanooyinka ay dableydu la beegsatay Al Macruuf, dabkaasi oo keenay khasaareba’an oo maaliyadeed, sida wararku sheegayaan.

Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd meel ay inta badan dhallinyaradu ku caweeyaan xilliyada habeenkii ah.

Ciidamada booliska magaalada  Boosaaso ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanno ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkaasi.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.