by Jibril Osman
Xoolo-dhaqatada tuulada Garas-duulaan oo 25 km u jira dagmada Baardheere ayaa ka cabanaya daanyeerro koox koox u socda oo ka cunaya idaha iyo ari cadka, markii abaar daran ay saameysay dhirtii uu quudan jiray.
Weerarka daanyeerka ayaa kordhay afartii bil ee u danbeeyay waxaana tan iyo markaas uu dilay in ka badan 800 oo ari ah sida Raadiyow Ergo uu u sheegay maamulka tuulada Garas-duulaan ee gobolka Gedo.
Yuusuf Cabdi Shakuul oo 70 ari ah ku dhaqanaya miyiga tuuladaas wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada la tacaalaya duulaanka daanyeerka. Xoolihii ugu badnaa ayuu ka cunay intii u dhaxeysay 12 ilaa 28 bishan Maarso
Arrintan ayaa ku qasabtay Yuusuf in uu is hubeeyo isla markaana waqti badan uu galiyo ilaalinta carruurtiisa oo 5 ah iyo xoolaha u badbaaday.
“Raxan raxan buu iskula socdaa. Hadda qof aanan wadan mindi ama masaar ama hub kale maba isku aamini karo. Aniga ilaa 24 neef ayuu marayaa inta uu iga cunnay. Guriga iyo duurkaba wuu ku soo weerarayaa xoolaha. Ilaa boqol ka tiro jeer wuu isoo weeraray oo waa mar aan iska caabiyay iyo mar uu iga guuleystay.”
Yuusuf ayaa sheegay in daanyeerka uu weerarka ugu badan kala kulmo qorax dhaca iyo qorax soo baxa isagoo ka faa’iideysanaya xilliga la daallan yahay iyo marka la isku diyaarinayo soofinta xoolaha.
Wuxuu dusha u ritay masuuliyadda ilaalinta xoolihiisa oo markii hore ay raaci jireen xubno ka tirsan qoyskiisa oo iskugu jira dumar iyo carruur. Wuxuu xusay in uu naftooda u baqay, maaddama uu halis galin karo xayaawaankan.
Wuxuu billaabay Yuusuf billowgii sanadkan in uu adeegsado biro uu garaaco xilliga uu duulaanka soo qaado daanyeerka si uu u cabsi galiyo.
Marka ay ka waaban waayaan ayuu sheegay in uu isticmaallo ulo u diyaarsan iyo masaar uu kala hortago. Tiradooda badan ayuu xusay in ay mararka qaar ay u sahasho in xoolo badan uu ka dilo ama uu la tago.
“Neefka ariga ah wuu ugaarsanayaa adna wuu ku gaarsanayaa. Haddii uu kaaga soo hormaro neefkii oo nool ayuu haragga ka bixinayaa. Micyihiisa iyo awoodda uu leeyahay waxay awood u siisay in uu cuno ariga iyo waxii uu markaas ka awood badan yahay. Shalaydii u danbeysay wuxuu iga cunay 4 neef.”
Ninkan oo horay abaarta ugu waayay 150 ari ah iyo 30 geel ah ayaa walaac ka muujiyay weerarka daanyeerka oo xoolo la’aan ku sababi kara.
Jahwareerka uu galiyay waxaa u dheer nolol xumo ka dhalatay nacfi la’aanta xoolaha u haray. Qoyskiisa ayaa ku tiirsan kiilooyin raashin ah oo uu ka daynto bakhaarro ku yaalla deegaanka Garas-duulaan.
Wuxuu sheegay in roobabka Gu’ga oo ka curtay qaybo ka tirsan gobolka Gedo uu galisay rajo fiican. Wuxuu qorshaynayaa in uu hayaan galiyo qoyskiisa isagoo ka baxsanaya abaarta iyo saameynta daanyeerka.
Xoolo-dhaqatada qaar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay dagaal kala kulmeen daanyeero weeraray xoolahooda. Waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Axmed oo aabbe u ah 5 carruur ah.
Wuxuu wajahay dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan weerar ay xoolihiisa ku qaadeen raxan daanyeerro ah oo mid ka mid ah uu halis galiyay noloshiisa.
“Daanyeerkan aniga oo ari la joogo buu neef ku soo booday. Killida ilaa caloosha ayuu neefkii ku dhagay. Markii aan ku soo orday oo aan ka fuji is dhahay neefki caloosha ayaa ka soo jeedda. Neefkii aniga oo sidan u taataabanaya ayuu mar labaad isaga oo aan dhag la qabto lahayn ayuu isoo galay. Markii aan islaabay oo booday ayuu isoo galay. Ilaahey baa iga qabtay. Gacanta ayaan iskaga dhigay afkiisa. Farta suulka xigta ee midigta ayuu dhaawac daran iiga gaystay.”
Wuxuu tilmaamay in saddexdii bil ee u danbeeyay uu ka cunay 40 ari ah 14 kalana wuu ka dhaawacay, kaddib in kabadan toban jeer oo uu soo weeraray xoolihiisa.
Cabsida uu ka qabo daayeerka darteed ayaa ku kalliftay in uu u la soo dhawaado 160 ari ah oo uu dhaqdo deegaanka Garas-duulaan.
Weerarka daanyeerka kuma wajahna oo kaliya xoolaha. Wuxuu qoyska Maxamed ka cunay tan iyo 25 bishii hore ee Maarso raashin uu kayd ahaan ay u haystay oo yaallay gurigiisa.
“Aniga waxay iga cuntay loor bariis ah, loor sonkor ah iyo loor bur ah. Ilmihii yaryarka ahaana way ka kala carareen ee cidda joogay.”
Raashinkan ayuu ku iibsaday lacag uu ka helay 3 neef oo uu sayladda geeyay bil ka hor. Cunno xumo ka dhalatay ayay qoyska Maxamed wajahayaan. 24 saac hal mar ayay helaan cunno ay dabka saartaan.
Qoys ay ehelo yihiin oo deggan tuulada miyigeeda uu deggan yahay ayaa ku caawiya cunnada hal waqti ay helaan
Weerarka daanyeerka uu ku hayo xoolaha reer guuraaga ayaa loo sababeeyay nabaad ku dhacay dhirtii uu ku noolaa, markii ay isbiirsadeen xaaluf dabiici ah sida roob la’aanta iyo kan dadku sameeyaan ee dhuxulaynta dhirta.
Dr. Cabdirisaaq Jaamac Maxamuud oo ah khabiir bartay cilmiga xannaanada xoolaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in hab-dhaqanka cusub ee uu la soo baxay daanyeerka ay tahay mid la filan karay, maaddama uu iskudayayo in uu helo quud uu ku badbaadiyo, markii abaar xooggan ay saameysay.
Xoolo-dhaqatada iska caabinaya weerarkiisa ayuu u soo jeediyay talooyin ay xoolahooda uga badbaadsan karaan daanyeerka.
“Waxa kaliya oo lagu xakameyn karaa in dadka reer guuraaga ah ay habeenki xero fiican oo daayeerka uusan ka soo gudbi karin oo ood fiican waliba qoyan haddii la helaayo in lagu xareeyo. Habeenki oo kale in dab loo shiddo si dabkaas uu ugu baqdo. Hadii ay jirto meel uu ku badan yahay in xitaa in laga guuro si saameynta ay u yaraato.”
Source: Radio Ergo
Leave a Reply