Alshabaab oo isaga baxey Xarardheere dad rayid ahna gabbaad ahaan u kaxaystay

Alshabaab oo isaga baxey Xarardheere dad rayid ahna gabbaad ahaan u kaxaystay

Muqdisho (WDN)- Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay billaabeen in ay isaga baxaan ayagoo fariisimo cusub ka sameystay tuulooyin hoos taga magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Alshabaab ay horey usii kaxaysteen dad rayid ah oo tiradooda aan la cayimin, kuwaasi oo ay ka dhiganayaan gabbaad ay uga badbaadaan dayaaradana duuliye la’aanta ah ee garabka siinaya ciidamada xoogga dawladda federaalka Soomaaliya.

Goor sii horeysay oo saaka ah ayaa ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa si nabad ah kula wareegay deegaanka Ceel Huur oo qiyaas ahaan degmada Xarardheere u jira 50 Kilomitir, kadib markii maleeshiyaadka Alshabaab ee halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa war kasoo saaray la wareegidda ciidamada dawladda, kuwa Galmudug iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Ceel Huur waxa uuna ku amaanay sida geesinimada leh ee ay uga go.antahay ciribtirka argagixisada Alshabaab ee bulshada dhibaatada ku haysa.

Qoorqoor ayaa tilmaamay in qorshaha xigga uu yahay sidii Xarardheere loogu soo celin lahaa gacanta maamulka Galmudug isagoo sheegay in kooxda Alshabaab gabalkoodu dhacay dagaalka lagula jirana uusan joogsan doonin illaa laga ciribtiro oo dhibaatadooda bulshada laga dulqaado.

Ciidamo xooggan ayey dawladda federaalka iyo maamulka Galmudug ay u diyaarinayaan hawlgalka kooxda Alshabaab ka dhanka ah ee la doonayo in looga saaro degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaana hadda muuqata in kooxda ay sii faarujisay magaaladaasi.

Degmada Xarardheere ayaa gashay gacanta Alshabaab sanaddii 2010-ka, halkaasi oo ay ka dhigteen fariisin muhiim ah oo ay ka maamulaan deegaannada Galmudug, kana abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidamada milatariga dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Ka bixitaanka Alshabaab ee Xarardheere ayaa muujinaya guuldarrooyinka ballaaran ee kooxda ay kala kulantey hawlgalka dawladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka deegaanka ay billaabeen, kaasi oo deegaannada ay maamulaan looga xoreynaayo ayadoo kooxdu ay u muuqato in ay u taag la’dahay iska caabbinta ciidamadan xoogga leh.

Maxame Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.