Xasan Sheekh oo sheegay in mashaariicda horumarineed ee dalka lagu salgooyo baahiyaha

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir uddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa farey xukuumadda in mashaariicda dalka laga fulinayo lagu salgooyo baahiyaha bulshada qabto ee dalka jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiiradda farey in ay yareeyaan shirarka dibedda dalka lagu qabanayo, taa badalkeedana gudana dalka lagu qabto si loo yareeyo qarashaadka shirarkaasi ku baxaya maadaama dalka iminka uu wajahayo xaalado halis ah oo ay ugu horeeyaan dagaalka lagu jiro argagixisada Alshabaab iyo abaaraha xoogan.

Shirka maanta golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa agu ansixiyey hindiso sharciyeedyo muhiim ah oo ay ka mid ahaayee  hindise sharciyeedka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka iyo handise sharciyeedka hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u dhimi laheyd qarashaadka ku baxa hay’addaha kala duwa  ee dawladda, isla markaana loo weeciyo halganka dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab iyo gurmadka malaayiinka Soomaaliyeed ee abaaruhu si aadka ah u saameeyeen.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.