Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan golaha shacabka baarlamaanka 11aad. Gudugaas oo ka shaqayn doonna qabashada doorasho la isla ogolyahay si waafaqsan shuruucda dalka u taalla.
Wareegto kasoo baxdey xafiiska RW Xamse ayaa lagu yiri “Raisalwasaaraha dalka markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee dastuurka KMG ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo go’aanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ee tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay guddoomiyaha golaha shacabka.
Markuu arkay wareegtadii Lr.60 ee burinta xeer madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.
Ra’iisulwasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada golaha shacabka ee baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.
Wuxuu magacaabay xubnaha guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban 9 xubnood oo kale ah:
- Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
- Cabdirisaaq Diiriye Warsame
- Cabdi Xiis Udan
- Cabdishakuur Abiib Hayir
- Cabdullaahi Cabdi Aden
- Mowliid Mataan Salaad
- Maxamed Aadan Cismaan Yare
- Yusuf Cabdikaadir Maxamed
- Zahra Cabdiraxmaan Maxamed.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabista kadib waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddigan cusub, waxa uuna faray in waajibaadkooda shaqo iyo masuuliyadda qaran ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto oo waafaqsan shuruucda dalka u dagsan.
Guddigaan ayaa ka shaqayn doona qabanqaabada doorashooyinka kuraasta ka banaan baarlamaanka 11aad oo in muddo dib u dhac uu ku yimid sababo la xariira khilaafaad siyaasadeed iyo isqabqabsi iyo tabashooyin dhanka cadaalad dari ah oo musharixiinta qaar ay ka sheeganayeen .
Maxamed Cumar
wardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply