RW Xamse oo kulan la qaatay maamulka gobolka Banaadir xilli la sheegayo in Alshabaabkii ugu badnaa soo galeen caasimadda

Kulanka Rw Xamse iyo maamulka gobolka Banaadir

Muqdsiho (WDN)- Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim la qaatay  maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale), kaasi oo ku saabsanaa sugidda amniga caasimadda iyo deegaanada ku xeeran.

Kulanka dhex maray RW Xamse iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgaley wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiiru dowlaha amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala iyadoo diiradda lagu saarey sugidda amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

RW Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka faray in ay feejignaan dheeri ah la muujiyo isla markaana sare loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, waxa uuna kula dardaarmay maamulka cusub in ay bulshada ku baraarujiyaan ka qeybqaadaashada dagaalka dowladdu kula jirto kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Kulanka dhexmarey ra’iisalwasaaraha iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa yimid xilli maamulka caasimadda uu soo saarey digniin xooggan oo ku aadan in Muqdisho ay soo galeen Shabaabkii ugu badnaa ee kasoo firxadey deegaanada ay la wareegeen ciidamada dawladda iyo xulifadooda macwisleyda, waxaana maamulka gobolka farey laamaha amniga in ay feejignaan xooggan la muujiyo lagana hortago dhagarta argagixisada oo culeyska soo saarey caasimadda kadib markii guuldarooyin kala kulmeen ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.