Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey deegaanada Maxaas iyo Baxdo ee gobollada Hiiraan iyo Galmudug

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawlan dardar galinta howlgalada dalka ka socda ee looga soo horjeedo kooxda Alshabaab, ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud ee maamulka Galmudug, halkaasi oo si diiran  ay ugu soo dhaweeyeen madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Xasan Qoorqoor, wasiirro, xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey deegaanka Baxdo

Madaxweyne Xasan ayaa goob fagaare ah hadal ugu jeediyey boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka Baxdo, ayaa ku bogaadiyay sida ay ugu guntadeen difaaca dhulka, isagoo xusay  muhiimadda ay leedahay in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku harsan gacanta kooxda Al-shabaab.

“Dadka reer Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada Alshabaab, isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaali ay diyaarisay qorshe deegaanada la xoreeyo lagu gaarsiinayo adeegyada dawladnimada sida u dhisida maamul,gaarsiinta bulshada adeegyada nolosha muhiimka u ah sida sugidda amniga, waxbarashada, caafmaadka iyo dib u heshiisiinta.

Waa deegaankii 2-aad ee laga xoreeyey kooxda Alshabaab oo uu madaxweynaha maanta booqasho iyo kormeer  ku tago, waxaana goor sii horeysay oo maanta ah uu booqasho ku tagey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ka mid ah saldhigyada muhiimka u ah hawlgalka  looga soo kooxda argagixisada ee Alshabaab. Waxaa wafdiga madaxweynaha halkaas si heersare ah ugu soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeette Cismaan, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan, Maxaas, Hiiraan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban u jeediyey shacabka deegaanka Maxaas iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab, waxa uuna wax lagu daydo ku tilmaamey geesinnimada iyo isku-duubnida ay muujiyeen isagoo xusey in dawladda federaalka ay la garab taagantahay taageero buuxda illaa laga cirabtirayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa  ku tilmaamay booqashadiisa uu ku marayo deegaanadaasi mid uu ku xoojinayo hawlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, oo dawladdu ku guuleysatey in ka saarto deegaano badan gacanteeda.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.