Alshabaab oo lagala wareegay deegaan muddo 15 sano ay ka talinayeen

Alshabaab oo lagala wareegay deegaan muddo 15 sano ay ka talinayeen

Muqdisho (WDN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada deegaanka ayaa kooxda argagixisada ah ee Alshabaab kala wareegay deegaanka Wabxo iyo tuuloyinka ku xeeran oo muddo 15 sano ay ka talinayeen, kadib dagaal saacado badan socday khasaaro xoog lehna uu ka dhashay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Jen.Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa xaqiijiyey in ciidamada xooga oo gacan helaya maleeshiyaadka deegaanka ay Alshabaab kala wareegeen degmada Wabxo iyo tuulooyinka Warxoole, Ceelgorof iyo Ceelboore oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Afhayeenka ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacey khasaaro xoog leh oo dhinacyadii dagaalamey uu soo kala gaarey.

Deegaanka Wabxo ayaa fariisin muhiim u ahaa kooxda Alshabaab, waxaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan deegaanada maamulka Galmudug. La wareegida Wabxo ayaa algu wadaa in ay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo xulufadooda deegaanka in ay kusii siqaan degmada Ceelbuur oo ah fariisinta rasmiga ah ee kooxda Alshabaab.

Dharbaaxada maanta gaartey ayaa ka mid noqonaysa guuldarooyinka is daba joogga ah ee gaartey kooxda Alshabaab oo u muuqata mid faraheeda ay kasii baxayaan deegaano muhim u ah jiritaanka kooxda, waana markii ugu horeysay oo ay kooxdani wajahayso weeraro kaga imaanaya dhawr jiho oo kala duwan.tani ayaa cadeynaysa in dawladda federaalka ay usoo jeesatey soo afjarida kooxdani oo caqabad ku ah dawladnimada Soomaaliya.

Alshabaab ayaa illaa iyo iminka wax war ah kasoo saarin guuldarada kasoo gaartey dagaalka saacadaha badan socdey ee ka dhacey deegaanka Wabxo iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana aamusnaanta kooxda dad badani ku tilmaameen in kooxdu khasaaro xoog leh ay kala kulantey dagaalada gobolka Galgaduud ka dhacey saacadihii lasoo dhaafey.

Maxamed Cumar
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.