Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose Sayid Cali Ibraahim Xasan, ayaa lagu diley qarax noocada miinada dhulka lagu aaso ah oo haleelay gaarigii uu watey gudoomiyahu iyo masuuliyiin kale oo la socotey. Qaraxaasi oo kai dhacey gudaha degmadaasi.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/10/Gudoomiyaha-qoryooley-sayid-cali-.jpg)
Ciidamada amaanka dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa isku geedaamay goobta uu qaraxa ka dhacey mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kaasoo baxey maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la xariira khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Ciidmada amaanka ayaa goobta ka bilaabay baaritaano la xariira cidda ka danbeysay falkaasi.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid gudoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim waxa uuna ku tilmaamay geesi wax badan u qabtey shacabka Shabeelaha Hoose.
“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan Alle ha u naxariisto marxuum Sayid Cali Ibraahim Xasan qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka.
Lafta Gareen ayaa tilmaamay in dilka gudoomiye Sayid Cali Ibraahim uu yahay mid aan laga hari doonin, isla markaana cidwalba oo falkaan ku lug leh cadaaladda la hor keeni doono. Md Lafta Gareen ayaa ku amrey laamaha amaanka in ay baaritaano sameeyaan, isla markaana ay cadaaladda hor keenaan dambiilayaasha falkaan arxan darida ah ku lugta leh.
Waa gudoomiyihii labaad ee gobolka Shabeellaha Hoose oo qarax lagu dilo, waxa 27-kii bishii Luulyo ee lasoo dhaafey kooxda Alshabaab qarax ismiidaamin ku dileen gudoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, oo hogaamin jirey dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Shabeelaha Hoose.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply