Shir looga hadlayo khilaafka Qeybsiga Dhaqaalaha DF iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ka Furmey

Shir looga hadlayo khilaafka Qeybsiga Dhaqaalaha DF iyo Maamul Goboleedyada oo  Muqdisho ka Furmey

Muqdisho (WDN)- Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Cilmi Maxamuud ayaa maanta daahfurey kulan looga hadlayo kjilaaf sook la dhex galay  wasaaradaha maaliyadda dawlad goboleedyada iyo waaaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulan wasaaraddaha maaliyadda DF iyo dawlad goboleedyada, Muqdisho.

Kulankaan ayay wasaaradda maaliyadda  xukuumadda federaalka Soomaaliya dooneysaa in ay ku xaliso tabashada dawlad goboleedyada, waxaana xukuumadda rajo weyn ka qabtaa in shirkaan lagu soo afjaro khilaafka, isla markaana dib loo soo celiyo wada shaqayntii labada dhinac ka dhaxeysay.

Wasaaradaha maaliyadda dawlad goboleedyada ayaa xiriirka u jarey wasaaradda maaliyadda federaalka, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jabisey heshiisyadii maaliyadda ee la kala saxiixdey  ee hoos ku xusan :

1.Heshiiskii Adis Ababa September 2019.
2. Heshiiskii Kismaayo November 2019.
3. Heshiiskii Kampala December 2019.
4. Heshiiskii Nairobi January 2020.
5. Heshiiskii Muqdisho August 2020.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu dhaliyo is afgarad ku wajaha qeybsiga kaalmada dhaqaale ee beesha caalamka, oo saldhig u aheyd tabashada dowlad gobolleedyada.

Maxamed Cumar Axmed
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.