Midowga Afrika oo ergey cusub usoo magacaabey Soomaaliya khilaaf muddo socdey kadib

Midowga Afrika oo ergey cusub usoo magacaabey Soomaaliya khilaaf muddo socdey kadib

Muqdisho (WDN)- Wareegto kasoo baxdey xafiiska gudoomiyaha ururka midowga Afrika Md. Mousa Faki Maxamed  ayaa loogu magacaabay danjire  Maxamed Al-Amin Souef ergeyga cusub ee midowga Afrika  iyo madaxa hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Danjire Maxamed Al-Amin.

Ergeygii hore ee Ururuka Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya Danjire Francisco Maderira, oo xukuumadii hore ee Soomaaliya ee uu rii’sal wasaaraha ka ahaa Md. Maxamed Xuseen Rooble dalka ka ceyrisey, ayaa la sheegay in lagu badali doono danjire Maxamed Al-Amin. Ergeygii hore danjire Francisco Maderira, ayaa lagu eedeeyey inuu ka weecday shaqadii rasmiga ahayd ee midowga Afrika uu u hayey, isla markaana faragelin toos ah uu ku sameeyey arrimaha gudaha Soomaaliya.

Danjire Maxamed El-Amin Souef ayaa u dhashay dalka Comoros oo kasoo noqdey wasiirka arrimaha dibedda, ka hor magacaabista maanta, waxa uu danjira El-Amin ahaa madaxa xafiiska  xasilinta isku-dhafka ee midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey  ee dalka Mali (MINUSUMA), sidoo kale waxa uu soo ahaa madaxa xafiiska gobolka ee hawlgalka isku dhafka ah ee midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee gobolka Darfur  ee dalka Sudan  (UNAMID).

Dowladda Soomaaliya ayaa  rajaynaysa in  magacaabista ergeyga cusub ay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha midowga Afrika uu Soomaaliya ka hayo, gaar ahaan dib u heshiisiinta iyo hawlgalka la dagaalanka argagixisada.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.