Muqdisho (WDN)- Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta shir guddoomisay shir looga hadlayey Amniga ee Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde oo ka dhacey magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah, maareeyaha garoonka Aadan Cadde iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyada.
Shirkaan maanta looga hadlayey amniga garoonka ayaa yimid kadib digniino dhawr ah oo ku aadan weeraro xooggaga xagjirka ah ee Alshabaab ay soo qaadaan, oo maalmo ka hor xubno ka tirsan ay weeraro saacado qaatey oo is qarxin ku bilowdey ku qaadeen hoteelka Xayaat oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo ballaaran sababey.
Laamaha amniga ayaa ka digey in xarakada Alshabaab dilalka gaadmada ah iyo weeraro gudaha Muqdisho ka dhaca geystaan, sababo la xiriira guuldarooyinka kasoo gaarey hawlgalada ciidanka dawladda Soomaaliya ka wadaan gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply