RW Xamse oo safarkii ugu horeeyey ee dibedda dalka maanta ugu ambabadey Tuniisiya

RW Xamse oo safarkii ugu horeeyey ee dibedda dalka maanta ugu ambabadey Tuniisiya

Muqdisho (WDN) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah  Aadan Cadde ee Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayagoo kusii jeeda wadanka Tuniisiya.

RW Xamse ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka, waxaana garoonka kasii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya uga qaybgali doona shirka caalamiga ee horumarinta qaaradda Afrika ee TICAD, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa Warfaafinta Ra’iisal Wasaaraha.

Waa safarkii ugu horeeyey oo RW Xamse Cabdi Barre ugu ambaboxo dalka dibediisa waxaana shirkaan la tilmaamayaa inuu yahay mid muhiim ah qorshayaasha horumarinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku aadan dib u dhiska dalka.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.