Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay

Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay
Nolosha qoysas ku nool xerada Xagardheer oo soo hagaagaysa markii la siiyay kaarka qaxootinimada oo ay ku helaan gargaarkii ugu horreeyay
Faadumo oo ka mid ah qaxootiga helay kaarka diiwaan-galinta ee ay ku qaataan gunnooyinka raashinka ah/Axmed Abdullahi/Ergo

Afar sano ka dib qoyska Faadumo Isaaq Maxamed oo ka kooban 11 qof waxay dib u heleen diiwaan-galin cusub iyo gunnooyin raashin ah oo la siiyo qoysaska qaxootiga ah ee ku jira xerada Xagardheer. Qoyskan ayaa ka mid ah 40,000 oo qaxooti ah oo la geeyay Soomaaliya sanadkii 2015-kii, hase yeeshee, dib u laabtay xeryihii laga raray markii ay ku noolaan waayeen meelihii la dejiyay.

Gargaarka raashinka ah ayaa loo billaabay 25-kii bishii hore ee July Faadumo oo ku faraxsan in mar kale ay dib u helaan cunnada laga baxiyo xeradeeda ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in raashinka la siiyay uu ka caawiyay inay dabka saartaan saddex waqti maalintii waxay cunaan, halka markii hore ay ku adkayd helidda hal waqti 24-kii saacba.

“Ilaahay mahaddiis hadda raashin waa haysanaa aad iyo aad ayay dhibaatadiisa iiga fuqday, waxaa intaas dheer in aan maanta haysanno kaarkii diiwaan-galinta oo noo sahlaya in aan qaxootiga kale la mid nahay inkastoo wali aynaan heli gunno lacageed oo qaxootiga la siiyo bishii mar iyana waan rajaynaynaa, hadda waxa kaliya ee bannaanka aan ka soo iibsado waa sonkorta oo aan ka mid ahayn raashinka nala siiyo,” ayay tiri.

Waxaa la siiyay raashin ku filan qoyskeeda tan iyo dhamaadka bisha september ee sanadkan. Kaalmadan ayaa ka kooban 259-kiilo oo bariis ah, 30-liitar oo saliid ah, 42-kiilo oo misir ah iyo 48-xabbo oo ah saabuunta dharka lagu dhaqo.

Faadumo ayaa sharraxaysa ka hor gargaarkan loo billaabay sida ay ku dabbari jirtay nolol-maalmeedka carruurteeda.

“Cuntada ma heli jirin inta badan laakiin dhar-dhaqaal ayaan carruurta noloshooda ku dabberi jirey, labadoo boqol($5) markii aan soo helo ilamahayga ayaan dabka ugu shubaayay, subixii hadana waa bixi jirey ilamahayga iyaga oo aan quraacanin, duhurkii ayaa usoo laaban jirey, habeenkii markii ay qadaan waxay i dhihi jireen hooyo maxan cunnaa waan gaajoonaynaa waxaan ku qasbanaadaa in aan maaweeliyo illeen cunno uma hayee, runtii sanadihii la soo dhaafay cabad wayn oo aan la xisabin karin ayaa i qabsatay,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in kaarka diiwaan-galinta ee la siiyay qoyskeeda uu ka caawinayo in kaalmo joogta ah ay ka helaan hay’adaha gargaarka ka bixiya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Qoyska Faadumo waxay ka mid ahaayeen dad dib loogu celiyay degmada Bu’aale sanadkii 2015, halkaas oo markoodii hore ay abaar ka soo barakicisay horraantii sanadkii 2010-kii.

Waxay rajeynayeen in nolol ka fiican tan xeryaha ay ka heli doonaan Bu’aale iyagoo ka faa’iideystay barnaamijkii dib u celinta qaxootiga oo ay iska kaashadeen dowladda Kenya iyo hay’adda UNHCR.

Niyad wanaaggii ay ku qabeen in dalkooda ay ku laabtaan uma miro-dhalin, waxaa soo wajahaya cunno xumo, biyo yari iyo dhibaato dhinaca amaanka ah, taasi oo ku riixday in mar kale ay qaxooti noqdaan.

“Markii aan dagay magaaladaydii noloshu waxay noqotay mid qarriban, biyihii waa lacag, korontadii lacag waaye, ilmaha waxbarashadooda lacag waaye, raashinkii lacag waaye, dhibaatadaas waan xamili waayay, waxaan is dhahay armayba qaxootigii kuu roonyahay? Sidaas baan u soo laabtay,” ayay tiri Faadumo.

Qoysaska dib ugu laabtay xeryaha ee uu gargaarku ka maqnaa muddada 4 sano waxaa la mid ahaa qaar ka soo barakacay Soomaaliya oo xeryaha ku cusub. Waxaa ka mid ah Maryan Xasan Xuseen haysta 13 carruur ah oo 8 ka mid ah ay dhaleen labo gabdhood oo walaallo laheed ah kuwaas oo isku mar lagu dilay magaalada Muqdisho bishii febraayo ee sanadkii 2021-kii.

Maryan ayaa xerada Xagardheer soo magan gashay billowgii sanadkii hore, Waxay ku qaadatay muddo ka badan sanad ah in ay hesho kaarka diiwaan-galin laakiin bishii hore ee July ayay heshay markii ugu horreysay. Waxay sheegtay in nolosha qoyskeeda uu aad isu beddelay gaar ahaan dhinaca cunnada.

“Hadda nolol aad iyo aad u fiican baan galnay sababtoo ah kaarkii waxkasta noo fududaynayay waan helnay, sidii hore waa ka fiicanahay, bishaan u dambaysay hadda waxaan qaadanay bariis, bariiskii guriga ayaan keensaday iyo digirtii waa i anfacayaan ilmaha kuwaas ayaan u kariyaa aan ku quudiyaa farxad baan ku nool nahay,” ayay tiri.

Qoyskeeda ayaa ku tiirsanaa cunno 24-kii saacba hal mar ay ku caawin jireen qoysas daris la ah oo hay’adaha raashin ka helayay maaddama ay haysteen kaarka diiwaan-galinta, xaaladdaas ayay ku jireen sanad ka badan oo ay ku nool yihiin xerada Xagardheer.

Waxay xustay Maryan in qaxootiga ay ku qasbeen Alshabaab oo ay kala kulantay hanjabaad joogta ah ka hor barakaceeda, waxay sheegtay in ay dileen labo gabdhood oo la dhashay oo ay shaqo wadaag ahaayeen.

Waxay ka mid ahaayeen haweenka maamulka gobolka Banaadir u qaabilsanaa nadaafadda iyagoo qashinka ka guri jirtay waddooyinka hareerahooda iyo goobaha danta guud.

Maxamed Cabdi Samatar oo ka mid ah Masuuliyiinta qaxootiga ee Xagardheer ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in ay ka shaqaynayaan hubinta diiwaan-galinta ay heleen qoysaskan marka la gaaro bisha October ee sanadkan, kadibna ay qorshayn doonaan in loo billaabo gunnada lacageed ee loo yaqaanno Bamba Chakula. Arrintan ayuu xusay in ay kala kaashan doonaan hay’adda UNHCR.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.