Muqdisho (WDN)- Warbaahinta xarakada xagjirka ah ee Alshabaab ayaa baahisey cod la sheegay inuu soo duubey hogaamiyaha Fu’aad Shangole, kaasi oo uu ku beeninayo wararka sheegaya in lagu diley dagaaladii ugu danbeeyey ee maleeshiyaadka xarakada Alshabaab la gashay ciidamada Liyuu Boolis.
Shangole wuxuu sheegay inuu noolyahay isla markaana uu caafmaad qabo, waxa uuna xusey in dagaaladii ay la galeen Liyuu boolis ay u geysteen khasaaro xoog leh isla markaana guulo wax ku ool ah dagaaladaasi ka gaareen.
Codka laga soo duubey Fu’aad Shangole ayuu ku sheegay in dagaalada 30-kii bishii dhamaatey ka dhacey deegaanka Aato iyo deegaanada ku dhow ay jab xoog leh ku gaarsiiyeen Liyuu Boolis oo ay ka dileen ugu yaraan 150 askari, markii danbana ay gurmad dalbadeen oo isugu jira ciidanka dhulka iyo duqeymo dhanka cirka ah.
Codka lagu sheegay in Fu’aad Shangole laga soo duubey ee uu ku beeninayo dilkiisa, ayaa yimid kadib markii dowladda Itoobiya ay sheegtay in duqeymo ay samaysay maalintii jimcaha ee lasoo dhaafey ay ku dishay 3 sarkaal oo Alshabaab ah oo si aad loo doon doonayey madaxooduna malaayin doollar Mareykanku dul dhigey uuna ka mid ahaa Fuad Shangole.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply