Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo RW Xamse oo ka waramay xaaladdiisa caafimaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo RW Xamse oo ka waramay xaaladdiisa caafimaad

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Raisal Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, ayaa fariin u jeediyey shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan xaaladiisa caafmaad .

Madaxweyne Xasan iyo RW Xamse, Villa Soomaaliya, Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka boogsoodey xanuunka Covid- 19 kadib baaritaan lagu sameeyey oo laga waayey, waxa uuna uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ducadooda .

Md. Xasan Sheekh ayaa xanuunka Covid 19 awgii  uga baaqdey  ka qeybgalka  munaasabadaha 26-kune, ansixinta iyo kalsooni siinta Raisal Wasaaraha iyo xilwareejintiisa, isaga  oo ka hadlaya xaaladdiisa caafmaad waxa uu yiri “Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira Covid-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey Covid-19; sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii Qaran ee aad ii wakiilateyn.”

Madaxweynaha ayaa markale hambalyo ku aadan todobaadka xorriyadda u direy shacabka Soomaaliyeed waxa uuna yiri “Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.