Muqdisho, wareegii 3aad ee kama dambeysta ah ayay isugu soo hadheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii xilka uga horreeyay Md. Xasan Sh. Maxamuud iyadoo ay wareegii labaad ku hadheen Saciid Ccabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Khayre.
Codadka ayay musharixiintu u kala heleen sidatan:
1- Xasan Sheekh Maxamuud 110 cod.
2. Maxamed cabdullaahi Farmaajo 83 cod.
3 .Siciid Cabdullaahi Deni 68 cod.
4. Xasan cali Khayre 63 cod.
Haddaba Deni iyo khayre oo iyagu ka mid ahaa murashixiinta mucaaradka ku ahaa maamulka madaxweyne Farmaajo, ayna gees ka soo wadajeedeen Xasan Sheekh Maxamuud ayay u badantahay in ay taageeradooda u leexiyaan dhanka Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga hadda ay wareega kamadambysta ah isugu soo hadheen madaxweyne Farmaajo.
Doorashadan oo wararku tibaaxayaan in xildhibaannada lacago aad u tiro badan ay ku hurgufeen musharixiintu ayaan la dhayalsan karin in taasi ay saamayn ku yeelato guusha musharaxa loo cumaadadi doono xilka madaxweynaha J. F. Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
WardheerNews
Leave a Reply