IStanbul, Julay 09, 2013 (WDN)- Wadahadallo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay uga ay ku lahaayeen wufuuf ka kala soctay daladdafedraalka Soomaaliya iyo Somaliland magaalda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa caawa fiidnimadii halkaas lagu soo gabagabeeyay.
Ajandaha wadahadallada oo sida ay wararku sheegayaan ay ku jireen qoddobo xasaasiya sida gooni isu taagga Somaliland ayaa intoodii badnayd oo ay wufuuddii ka kala socotay labada dhinac isku mari waayeen.
Haseyeeshee ugu dambeystii ayaa ay labada dhinac Seddex qoddob oo ay isku afgarteen qalinka ku duugeen.
Qoddobadda Seddaxda ah ee lagu heshiiyay ayaa waxey kala yihiin:-
1- In wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socdaan oo lasii wado.
2- Sameynta guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban oo iyagu ka baaraan dega qaabka loo xalin karo arrinta maamulka diyaaradaha dulmara hawada Soomaaliya.
3- in markale muddo 120 (Boqol iyo Labaatan) cisho kadib ay ku kulmaan gudiyadan labada dhinac magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga si ay usii amba qaadaan geedi socodka wadahadallada.
Wadahadalladan iyo kuwii ka horreeyayba waxaa muuqata in ay adagtahay in ay labada dhinac midkoodna wax tanaasul ah ka samyn karo arrinta ugu muhiimsan ee midnimada ama kala go’a dalka Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply