Xaaladda Boosaaso oo deggan

Boosaaso (WDN)- Magaalada xeebta ah ee Boosaaso ee Dowlad Gobolleedka Puntland, oo maalmahan ay ka taagneyd iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee Daraawiishta iyo kuwa La dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaan PSF, ayaa maanta lagu waramayaa in xaaladdu deggantahay  tahay .

Boosaaso, Puntland, Soomaalia

Xasiloonida magaaalada ayaa ka dambeysay markii xabad joojin iyo in ciidmaddii is hor fadhiyay la kala qaaday. Taasi oo ka dhalatay waan waan culus oo ay galeen Odayada, wax garadka  iyo ururada bulshada rayidka.

Barakac xooggan  oo dadku kaga baxayaan magaalada iyo khasaare dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed isugu jira ayaa soo gaadhay magaalada Boosaaso. Waxa kale oo iyana xidhan dekada magaalada oo ganacsiga Puntland iyo dhamaan degaaano kale oo ka tirsan Soomaaliya iyo wadamda darika ahaba u ehyd halbowle.

Dagaalka Boosaaso oo sababay barakac xooggan  

Khilaafka  iyo dagaalka ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa salka ku haya kadib markii Madaxweynaha Puntland Md. Siciid Deni uu xilkii ka qaaday, 24  bishii Nofemember, madaxa Ciidamada PSF Md. Maxamuud Cismaan,  oo  markaasi  ku gacan seydhey in uu aqbalo xil ka qaadista. Arrinkaasi oo keenay khilaaf  iyo dagaal la isku isticmaalo xoog milateri.

Inkasta oo magaalada Boosaaso hadda ay degan tahay, haddana wali wax heshiis iyo wada hadal rasmi ahi ma dhicin. Waxaana jira saansaan collaaddeed, iyada oo ciidamada PSF ay ku jiraan difaac xooggan, halka ciidamada dowladda Puntland iyana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo .

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.