W.Q. Cusmaan Sh.Cabdi Maxamed
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2013/05/Af_Soomaali.jpg)
Dhaqan kasta oo jira waxa uu ka billaawdaa kuna dhammaadaa luuqad. Luuqaddu waxa ay saameysaa hiddaha iyo dhaqanka bulshada guud ahaan. Waana waxa bulshooyiinka caalamka kala duwo.
Waaliddiin badan oo qurba-joog ah ayaan ku baraarugsaneyn khatarta ay leedahay in afka koowaad ee curruurtoodu ku hadlaan noqdo af aan ahayn afkooda hooyo. Waxa ay si taxadar la’aan ah u oggolaadaan in carruurtoodu ku hadlaan afafka qalaad – gaar ahaan marka ay guriga joogaan taas oo sababta in caanay arruurtu ku hadlin af-Soomaali.
Cilmibaarisyo badan oo ku saabsan afka hooyo ayaa xaqiijiyay in aqoonta uu cunugu u leeyahay afkiisa hooyo si weyn u saameyso fahamkiisa, xallinta leylisyada waxbarasho iyo dhibaatooyiinka nolosha.
Nasiibdarro, qaar ka mid ah waaliddiinta ayaaba ka faana afkooda, moodayana in ku hadalka afafka qalaad yahay ilbaxnimo.
Aniga oo jooga Koonfur Afrika 2012-kii ayaan oday kamid ah odayaasha Soomaalida ee magaca ku leh waddankaas ku sheekeysaneynay maqaayad. Sheekadii ayaa nalagashay arrimo ku saabsan dhaqanka iyo waxbarashada. Sheekadii dhexdeeda ayaan ku weydiiyay in wiilkiisa – oo Ingiriis iyo Afrikaanis ku hadlaa uu yaqaanno af-Soomaaliga si lamid laba af ee kale.
Jawaabtuu isiiyay ayaa aad iiga fajacisay oo illaa iyo hadda aan xusuusteyda ka go’in. Wuxuu igu yiri, “ha igaga hadashiinin af-Soomaali! In uu barto ayaananba doonaynin.” Amakaag ayaan la aamusay.
Shan sano kadib ayaa sanadkii 2017-kii aniga oo Maareeye Guud u ah hay’ad u dhexeysa Wasaaradda Adeega Dadka iyo xarumo fuliya qaar ka mid ah adeegyadaas ayaa hooyo Soomaaliyeed ka ololaysay in mujalladan loogu talagay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo saaro Af-Soomaali. Amakaag kale ayay igu noqotay.
Anigoo la yaabban hooyadaas Soomaaliyeed ayaan fursad u helay in aan la sheekeysto gabar ay dhashay hooyadaas oo ah inan jaamacad dhammeysay; da’deedana ku socoto 30-kii. Walow ay gabadha af-Soomaali igula sheekeysatay, haddana Soomaali-Ingiriis ayay igula sheekeysatay – oraah dhammeystiran oo Soomaali ah afkeeda kama soo bixin: haddana waxa aan dhihi karaa gabadhaas waa ay dadaashay.
Waxa walaaca leh ma’aha in wiilku aanu af-Soomaali aqoonin amaba gabadha af-Soomaali barxan ku hadasho balse waxa walaaca leh waa sida labada waalid – iyo qaar badan oo ka mid ah waaliddiinta qurbaaha joogaa u fikirayaan: waana arrinta u baahan in wax laga beddalo.
In carruurta ay afaf kala dudwan bartaan cillad iyo ceeb midna ma’aha; balse waa xirfad loo baahan yahay in la dhiirrigaliyo. Waxaa khalad ah in barashada iyo ku hadalka afafka qalaad noqdaan sabab af-Soomaaliga loo liido.
Waxa aan muran ku jirin in marka ay noqoto la xiriirka carruurta, hooyada uga saameyn badantahay aabbaha. Dhibka maanta af-Soomaaliga haysta waa quursi iyo qadarin la’aan u baahan in uu u istaago qof kasta oo Soomaali ah.
Maadaama ay waaliddiintu udub dhexaad u yihiin dhaqanka, mas’uuliyad ayaa ka saaran in ay carruurtooda baraan, kuna barbaariyaan af-Soomaaliga.
W.Q. Cusmaan Sh.Cabdi Maxamed
Minneapolis Minnesota
Email: osmanabdim@yahoo.com
Leave a Reply