Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Qaran Ee Qaxootiga Soo Guryo-noqonaya Iyo Barakacayaasha

Muqdisho- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada.

Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guryo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka Saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga soo Guryo-noqonaya.

Shirka golaha ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisa.

Dhamaad

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.