Ciidanka xoogga Dalka oo soo qabtay xubin ka tirsanaa sahanka Al-Shabaab

Nin Ka mid ah Al shabaab oo la qabtay

Kismaayo-(SONNA)- Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxay kusoo qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada wadajirka ah ayaa gacanta kusoo dhigay,  Ibraahim Lujende Maxamed, oo ka mid ahaa koox ilaalo u ahayd argagixisada oo ku dhuumaaleysanaysay degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ibraahim Lujende, ayaa sheegay in muddo 10 Sano ah uu u xirnaa Al-Shabaab laguna qasbay shaqada jaajuusnimada iyo xog uruurinta ah ee uu u hayay kooxda argagixisada ah.

Cabdi xukun, oo ka tirsan Saraakiisha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ninkani uu ka mid ahaa koox afar ah, laba ka mid ihina ay hubeysnaayeen, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa uruuurinta xogaha, balse saddexdii kale ay ka baxsadeen kuna raad joogaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in , Ibraahim Lujende, uu ka qeyb qaatay weerarkii ay Al-Shabaab 2015-kii ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ciidamada Amisom ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Cabdi xukun , ayaa dhallinyarada la qalday ee fekerkaa gurracan lagu shubay kula dardaarmay in ay kasoo noqdaan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka dowlad ahaan soo dhaweynayaan, si wanaagsanna ula dhaqmi doonaan.

Source: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published.