Qarax Xooggan oo ka dhacay isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Qarax  loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyaya isgooyska sayidka ee magaalada muqdisho. Qarxani ayaa lala beegsaday goob ay gawaarida ku baaraan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Lama  xaqiijin karo wali qaasaraha rasmiga ah ee goobtaasi ka dhacay Wardheernews oo la xidhiidhay  goob jooge ka ag dhawaa goobta uu qarax ka dhacay, ayaa u sheegay in ay ku geeriyodeen laba ruux tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qarax  ka dhacay ayaa laga maqalayay rasaas  loo malleeynaayo in ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isgooyska Sayidka ayaa waxa ku yaalo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ,Waxaa kale oo aan  sidaasi  ugu fogeyn  Xarunta  Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Wixii faahfaahin dheeraad ah,wararkayaga dambe ayaan dinkula socodsiin doonaa haddii Eebe ka raali noqdo.

Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews, Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.