Muqdisho (WDN) Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Illo wareedyo ka ag dhow Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in xurguf siyaasadeed soo kala dhex gashay Agaasimaha Madaxtooyada, Fahad Yaasiin iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre. Khilaafka ayaa xogta aan helaynaa sheegaysaa in uu salka ku hayo mas’uulka cusub ee loo magacaabayo hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya (NISA). Illo wareedyadaasi ayaa tibaaxaya in Fahad Yaasiin uu rabo, in hoggaanka NISA laga maamulo xafiiskiisa madaxtooyada, oo ay isaga hoos timaado, halka uu ra’iisalwasaare Kheyre uu doonayo in uu isagu magacaabo qof ku dhow, oo uu u dhiibo xilkaas.
![](http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2018/02/Kheyre_Fahad-300x144.jpg)
Xilka qofka qabanaya hoggaanka NISA, ayaa ah mid aad u muhiim ah, isla markaana leh awood ( power) iyo miisaaniyad (funding) xooggan, oo aad saameyn ugu leh qorshe howleedka dhanka ammaanka ee Dowladda Federaalka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Fahad oo dhawaanahan ay awooddiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed, ay sii fidaysay, ayaa qorshaha in hoggaanka NISA gacanta loo geliyo ama loo magacaabo shakhsi ka agdhow (his inner circle), uu ka soo horjeestay RW Kheyre, oo dareensan awoodda xad-dhaafka ah ee agaasimaha madaxtooyada Fahad yaasiin.
Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ra’iisalwasaare Kheyre hadda helay kalsooni xooggan, kadib markii saaxadda siyaasadda laga saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Md. Taabit, oo dad badani u arkayeen, in uu cidhiidhi ku hayay RW Kheyre.
Xurguftan soo kala dhex gashay Fahad iyo Kheyre, ee salka ku haysa hoggaaminta NISA, ayaa la sheegayaa in Madaxwene Farmaajo uu dibadda ka jooggo, oo aanu wax go’aana ku lahayn.
Ra’iisalwasaare Khayre oo muddooyinkan dambe la sheego in siyaasaddiisu ay u janjeedho dhinaca xulufada Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn ayaa la filayaa in uu dhawaan socdaal ku tago waddanka Imaaraadka.
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply