Maansa hudiyoo
Hidde weeyee
Sida haradoo
Gugu heegada
Ku haraatiyay
Dirka Hoobaan
Dar haloosiya
Oo haraaciya
Marka loo horo
Heesta geeliyo
Hoobaleydaa
Loo hawadiyaa
Hambalyayntiyo
Anna hirashada
Huri maayee
Sanad hoodale
Oo hagaag iyo
Hibo lagu ladhay
Oo hanaan wacan
Ood ku hodantaan
Hidiyoon gacal
“Hoo” ku leeyahay
W.T. Abwaan Gammuute
Leave a Reply