Somaliland oo ka carootey go’aan ay QM gaartey, xannibaadna ku soo rogtey duulimaayada QM ee Somaliland

Somaliland oo ka carootey go’aan ay QM gaartey, xannibaadna ku soo rogtey duulimaayada QM ee Somaliland

Neyroobi, Mey 14, 2013 (WDN)-Maamulka Somaliland, ayaa si adag uga hor yimid go’aankii QM iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ay shalay Muqdisho ugu wareejiyeen la socodka duulimaadyada hawada Soomaaliya iyo qaadidda canshuuraha diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaasi darteed ay sheegeen inay si KMG ahaan u joojiyeen dayaaradihii QM ee deegaannada Somaliland imaan jiray.

Wasiirka duulista hawada ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay maanta, waxa uu ku eedeeyay hay’adda UNDP iyo dowladda Soomaaliyaba in ay ka baxeen ballan aheyd sida uu warka u yiri in la sameeyo guddi ka wada kooban dowladda Soomaaliya, Somaliland iyo UNDP, kaas oo la socon doona hawada Soomaaliya.
Waxa uu Maxamuud Xaashi tilmaamay inaanay aqbali doonin in hawada Somaliland lagala socdo Muqdisho.
UNDP, ayaa xafiis ay maamusho oo ku yaalla magaalada Nairobi lagala socon jirey duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya iyo qaadidda canshuuraha dayaaradahaasi, kuwaas oo howshaasi qabtay wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, horraantii sagaashamaadkii.
Shalay, ayaa madax ka socday QM, Hay’adda duulimaadyada caalamiga ah iyo dowladda Soomaaliya waxay isla garteen in Muqdisho ay dib ula wareegto howsha la socodka duulimaadyada dalka Soomaaliya isticmaala iyo qaadidda canshuuraadka intuba.
Wasiirka duulista hawada ee Somaliland, ma aanu sheegin inta ay socon doonto xannibaadda ay ku soo rogeen duulimaayada QM ee deegaannada Somaliland tagi jirey, waxase uu sheegay in xayiraaddaasi ay beri bilaaban doonto.
Somaliland, ayaa sheegtay inay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale muddo 22 sano ku dhow, iyadoo illaa iyo hadda aysan jirin cid aqoonsatay gooni isu taaggooda.
Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhaweysay in ay dib u hesho la socodka iyo maamulka duuliyaadyada caalamiga ah ee hawada dalka Soomaaliya mara, taas oo ay dagaal ay u galeen inay la soo wareegaan dowladihii KMG ahaa iyo tan hadda rasmiga ah intuba.
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Neyroobi, Keenya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.