Hargeysa (WDN) Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in
Md. Muuse Biixi, oo ka tirsan xisbiga talada hadda haya ee Kulmiye, uu ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliland ee bishan Noofenber 13-dii ka dhacday Soomaaliland.
Murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ciro, ayaa isagu sheegay in doorashada lagu shubtay, islamarkaana ay soo gaadhay 1,200 oo cabasho ka timid taageerayaasha xisbiga Waddani. Kuwaasi oo lagula kacay shacbiweynihii codkooda sida xorta ah la rabay in ay u dhiibtaan, khaasatan xisbiisa Waddani.
Sidoo kale Md. Ciro waxa uu sheegayi in dad badani ay si sharci daro ah u codeeyeen, oo ay ka mid yihiin dad da’ yar iyo kuwo dhintay oo magacyadooda la been abuuray. Iyadoo mas’uuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga Wadani xabsiga la dhigay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Md. Muuse Biixi, ayaa horey uga tirsanaaa Jabhadii SNM iyo ciidankii Cirka ee dowladdii Siyaad Barre.
Md. Biixi ayaa lagu sheegaa in uu yahay qof mayal adag, oo aan u dhegga nugleyn talada dadka ku dhow iyo mid guudba, islamarkaana xidhiidhka uu la leeyahay dadka ka baxsan beeshiisa ay liidato, isaga oo ay aad ugu dheertahay gooni isu taaga Soomaaliland.
Natiijada doorashada oo markii hore lagu waday in la soo saaro maalintii Jimcaha ee bishan Noofember 17-dii, ayaa dib loo dhigay si markaasi cabashooyinka xisbiga Waddani loo eego.
Wali ma cadda in dib u eegistaasi ay keentay in ay ku qanceen murashax Ciro iyo taageerayaashiisa, iyada oo wararka soo gaadhay WardheerNews ay sheegayaan in natiijada lagu dhawaaqi doon maalinta berri ah hadii Eebe idmo.
Wixii warar ah ee soo kordha waxaanu idnkula socodsiin doonaa wararkayaga dambe Insha Allah.
WardheerNews
Leave a Reply