W/T Xuseen Cabdi Xalane
Anoo xaaladda Soomaali ku jirto madaxeyga daalisey in caqligu iga guurane qarka iga saran, ayaa Aw Xirsi oo nin Aftahan ah, oon aan jeclahay isku nimid. Kadibna gabaygan baan gocdey oo ku soo aadey qaraxii dhacay 14/10/2017 ee Xamar gilgley adduunkuna ka fajacay;
- Aw Xirsow tabaalaha adduun, tacadiguu keenay
- Halkay taallo Soomaalidiyo, sideyn u tooseynin
- Tiiraanyadeedaa caqligu, iiga tagayaaye
- Intaan wali tahluukooyinkaa, karo tilmaantooda
- Tixda gabayga tuducyeynti iyo maanso tirinteeda
- Adayn kaa tallabsane adaa, garan tubteedii
- Maandhow farriinteyda tabi, taasu kugu qaane
- Lixdan Calanki aan taagniyo, Tawraddiyo xooggi
- Gumeystuhu tartiib ugama tagin, daaruhuu taxaye
- Talo loo dhan yahay bay ku timid, taabbo dirireede
- Xornimadi rag badan loo turqee, kumanno loo toogtay
- Markaan tuurrey tawstey dhashiyo, balada taahaysa
- Dawladnimo tubteede lama hayoo, tabaqye xaalkiiye
- Tol colloobey wuu tiro go’aa, tiirna noqon waaye
- Turxaantay dagaaladu dhaleen, kala taggii beesha
- Tafaraaruqii laga dhexliyo, reero kala taaggan
- Qabiilada waxay tabannayaan, tuhunka eedooda
- In dib loo tigtigo oo mar kale, loo tidcaa qaranki
- Federaalki teed looga dhigey, taabbo gali waaye
- Labadii tashiga loo xushaba, waysku todhiyaane
- Tartankaa dhexdoodaa, waqtigu kaaga tagayaaye
- Xukun tiro qabiil lagu dhisoo, taagyar baan nacaye
- Tabar kale markaad weydey ee, taagna kaa madhato
- Rabbigii la talo saaran jirey, tuugmo barigiisa
- Qoon tashwiish gashaa Diinti yimid, Taarig qaatil ehe
- Tusbax beena tuug calan madow, weerar ugu taagan
- Taalibaan Yuhuud tababartiyo, kureyda taageertey
- Tab dagaal taariikh aan la arag, toorri iyo gawrac
- Tarabtarab u dili taajir iyo, Culumo taaj weyne
- Nin kastoo tayo leh toogte iyo, Caaqil taliyaaye
- Shuyuukhii tiritira oo ma hadhin, ruux tafsiir garane
- Teror galiye Tuuliyo Miyiyo, meel bulshadu taalle
- Waxay qaraxyo teedsheen wixii, suuq dab lagu taabtey
- Maantey tu’aan hore u dhicin, Xamar ku tuureene
- Tacabkii khasaariyo wixii, maydku tiro beeley
- Tacajabe naflaha uunka taxan, turid la’aantaase
- Inkastoo tiraanyiyo tacsiba, uunku soo tabiyey
- Wax la taaban karo waa, Turkiga tabaruciise
- Takhaatiir waxay soo tubeen, taakuliyo daawo
- Dhaawicii la taban taabiyee, taxaddar loo qaadey
- Shuruud kuma taxneyn waxay, tareen hiile tabartoode
- Erdogan siduu Xamar u tagey, deeq isdaba taalle
- Tolka kaliye ee lagu tashani, inuu ku taageero
- Taariikhdu wow marag sidey, noo tixgeliyaane
- Maxaan Carab u daba tiicayaa, maan Turkiga raaco
- Meeshaan Tehraan aadi jirey, maan Ankara toydo
- Ma takoorannahay seen caqligu, noogu talin maanta
- Khiliijkaa nimcada taalla iyo, tirada maalkooda
- Caryaa ii taxliilshaa waxay, ina tareen maanta
- Maatada tabaaleysan oo, sadaqo loo tuuro
- Tabi waaye inay tiigsadaan, diintu say tiriye
- Qaxootiga tarxiilkiisu waw, toobaddoo kaleb
- Qaar Irhaabka soo tababaroo, balada taageera
- Iyo qaar si aan toos ahayn, tuugo wax u siiya
- Wax tilmaamahaa dhaafsan oy, tari ma joogaane
- Isku tollidda nimaan kuu tureyn, waa gun taladeede
- Maan adduunyadaa tirada badan, meelun kaga tooso
Dhammaad
Xuseen Cabdi Xalane
———–
Abwaan Xalane waxa uu in badan ka soo shaqeeyay ha’addaha samafalka. Waxa kale oo uu Xalane horey u noqday Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya wakhtigii KMG ee sanadkii 2010 iyo ka gadaal DFS ee sanadkii 2014.
Qoraalla kale oo la xidhiidha Xalane:
– WARAYSI: XUSEEN CABDI XALANE (XALANE): WardheerNews
Leave a Reply