Muqdisho, Maamulka Goobjoog Media Group ayaa ka hadlay xaaladda wariye Hanad Cali Guuleed oo maanta kooxo aan la garanayn ay ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.
“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka lahayn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.
Qoyska Hanad, waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.
Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.
Ugu danbeyn Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah u sii daayaan ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay maamulka Guud ee Goobjoog.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka loo geystay saaka Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah weriyaasha ka howlgala warbaahinta Goobjoog.
Weriye Hanad Cali Guuleed oo war soosaare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan la garanayn ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.
Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in xalay loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.
Waddanka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha adduunka khatarta ugu badan ay kala kulmaan wariyeyaashu.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply