Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Balo waa ay dambaysay

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Balo waa ay dambaysay

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Odhaahda Tifaftirka: Waa qeybtii ugu dambeysay ee tarjumaadda buugga Sahankii Richard Burton, oo ka kooban 10 cutub, oo markii ugu horeysay la daabacay 1858. Buugga waxa tarjumay Boodhari Warsame. WardheerNews waxa ay aad ugu mahadnaqeysaa Boodhari oo xil aad u weyn iska saaray sidii uu ugu soo bandhigi lahaa bulshoweynta Soomaaliyeed buuggan taariikhiga ah ee Sahankii Richard  Burton. Waxaan fileynaa in akhristayaashu ay ka haleen dhacdooyin badan oo taariikh ku leh dhulka Soomaaliyeed

_____________

Sabtidii 7 April 1855, ayay doonnida ciidanka ee Maahi oo uu naakhuudinayay H.E.I. Company, Lieut. King, I.N., soo gashay dekedda Berbera, halkaa oo kanooniyaddu la gurxameen riddadii sagootinta safarka ‘Somali Expedion’.

Sir Richard Burton

Carwada Bariga Afrika markii aan soo degay waa isku yaacsaneyd, oo wareer badan ayaa ka taagnaa. Se, maalin ka hor ayaa karawaankii waynaa ee Harar oo tiro la’ekaa 3000 oo ruux iyo xoolo intaa oo kale ah  u yimi  in ay siddeeda bilood ee soo socota u saad dhigtaan. Badeecooyin iibsi, shayba shay la dhaafsasho ama kala beddalsho ayaa lagu kala addeegtay, si aad u dhakhso badan oo aan dhaqanka ganacsiga ahayn.

Maalintii oo dhan iyo inta badan habenkii, magaaladu waxay la yabqaysay codadka iibiyeyaasha iyo iibsadayaasha. Haddii aan wax kaleba daayo, 500 oo addoomo lab iyo dheddig isugu jira ah ayaa suuqa joogay[1]. Safaf dhaadheer oo awr raran iyo kuwo caddaysin ah ayaa lagu arkayay iyaga oo  xeebta bannaanka hurdigaa ah qoodeynaya. Xanta colal burcad ah oo la soo sheegay ayaa mararka qaarkood waxay magaalada ka kicisaa guutooyin waranlay ah oo sidii bahallada duurjoogta ah u boodbooda una orya.

Durba kooxo safarray ah ayaa sodcaalkoodii noqoshada u xirxirtay, tuurkii qarmuunaa ee buulasha dermada ah ee suuqaan caan baxay, beryo qabsada aayar aayar ayuu hoos uga dhacayaa intii uu ahaa.

Kooxdayada yari waxay ka koobnayd 42 ruux. Cadan markaan joogay waxaan ka codsaday dawladda booliis Soomaaliyeed oo si fiican u tababaran, se, maadaama dawladdu ku doodday in ciidankaasi uu isaguba koror u baahnaa ayaa codsigeennii la diiday.  Waxaannu ku khasbanaanay in aanu ku qanacno qorashada darsan dadyaw kala duwan ah, Masaari, Nuubi, Carab iyo Neegarro aannu ku hubaynnay seefo iyo buntukhyo. Xubnaha kale ee gooshidda ka mid ahaa waxay ahaayeen adeegayaasheenna gaar ahaaneed, iyo ilaa labaatan Soomaali ah oo ay kala wateen labadeenna abbaan ee iska soo horjeeday, Xasan Jaamac iyo Buraale Nuux. Raaska ama Naakhuudaha kaafiladu wuxuu ahaa nin Maxammuud la yiraahdo oo Majeerteen ahaa, Cadanna ku magacdheeraa Bayluz ama Ergay. Wuxuu u astaysnaa in uu yahay maamule fariid ah, si fiicanna u yaqaan dhaqamadda iyo caadooyinka, si la mid ahna u yaqaan dhulka Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso: Sahankii Richard Burton Qeybtii 11-Dhamaad

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com

_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.